|

Dugsi La’aan ka Jirta Degmada Qoolcadey Ee Degmada Salaxley & Ardaydii oo Isaga Haajirtay

Sallaxley 31.October 2016 (SDN/QJ):- Xaalad waxbarasho la’aan  ayaa soo waajahday Deegaanka Qoolcaday oo ka tirsan degmada Sallaxley ee gobolka Maroodijeex ee Somaliland. Ka dib markii Dugsigii deegaankaas ay sameysmeen Dildilaacyo waaweyn oo laga shakiyay inuu ku dumo Caruurtii waxbarashada u iman jirtay.

Isu-duwaha wasaaradda waxbarashada Somaliland ee degmada Sallaxley Cabdiraxmaan Diiriye Ismaaciil, oo idaacada Koor la hadlay Shalay ayaa sheegay in Dhismaha dugsigaasi uu ku dhawyahay inuu Dumo maaddaama aanu helin dayactir ku filan.

“Dugsiga Qoolcadey laba sano Dhibaa naga haysatay, meesha uu ku yaalo dugsi oo biyo mareen ah, dhulkuu waxaa uu keenay qarax, oo ciidii ayaa socota”ayuu yidhi Isuduwaha wasaarada Waxbarashada ee Degmada Salaxley. Waxaanu intaasi ku daray isagoo Hadalkiisa sii wata “Sanadkan ayuu ugu daranyahay oo ardeydii waanu ka saarnay markaanu isla eegnay wasaarada waxbarashada ee aanu is nidhi ardeydii ayuu ku dhici.”

Xaaladda Dugsigan oo labadii sano ee u dambeeyay sidan ahayd ayaa waxaa isna dhinaciisa ka warbixiyay Maamulka Dugsiga Qoolcadey Cabdillaahi Aw Maxamuud Dhobaale oo dawlada iyo dadka daneeya waxbarashada ugu baaqay inay Gurmad lasoo gaadhaan dugsigaasi, maaddaama ardey badani wax ku baran jirtay.

Maamuluhu waxaa kale oo uu sheegay in ardeyda badankoodii ay iskaga tageen degmada kadib markii ay waayeen dugsi hagaagsan oo ay wax ku bartaan, isagoo xusay inay imika ardeyda deegaankaasi jooga ay wax ku baraan Qolal loogu talo galay in Cuntada lagu Karsado.

Comments are closed