|

“Dugsiyadii Aan Lacagta Soo Shubin Heli-maayaan Shahaadooyin, Arday Aan Shahaado Haysanna Fasalka Fadhiisan Maayo…” Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka

Hargaysa 14. September 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay inay Sabtida Toddobaadka soo socda ku dhawaaqi doonaan Natiijada Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Sannad-dugsiyeedka 2017-2018-ka.

Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud Gadh-weyne) oo Shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Waxaanu iclaaminaynaa in aanu Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiga Sare iyo Dhexe-ba ee Sannad-dugsiyeedka 2017-2018-ka ku dhawaaqayno 16-ka bishan September oo ku beegan Sabtida soo socota, maaddaama oo Annaga (Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka) iyo Ardaydaba ay Ummad badan oo Reer Somaliland ahi na sugayso.”

Daa’uud Gadh-weyne wuxuu sheegay in ku dhawaaqidda Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah la sugayeen Wasiirka Waxbarashada oo Safar Dibadeed ka imanaya Jimcaha “Ku dhawaaqidda Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah waxaanu la sugaynay Wasiirka Wasaaradda Wabarashada oo Dalka Dibaddiisa ka imanaya Jimcaha, waxaanuna jecellahay inuu Sabtida nagala soo qayb-galo ku dhawaaqidda Imtixaanka..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in marka Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo dhexe lagu dhawaaqo aan Dugsina la siin doonin Shahaadooyinka Ardaydiisa illaa uu bixiyo Lacagtii Shahaadooyinka “Waxa Shardi ah in Dugsiyadii aan soo dalban Shahaadooyinka, ee aan soo shubin Lacagtii Shahaadooyinka (Ardaydu) ay Lacagtii si deg-deg ah soo shubaan, haddii kale Shahaadooyin heli maayaan. Iskuulba Iskuulka uu ka horreeyay ee uu Lacagta ka soo hor-shubay (Bixiyay) ayaa Shahaadooyinka la siinayaa, Arday aan Shahaado Haysanna ma fadhiisanayo Fasalka..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inaan hadda ka dib Jaamacadaha la siin doonin Xogta Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare illaa ay Shahaadooyinka (oo nool) soo dalbadaan, “Ma Jirto Jaamacad aanu siinayno Xogta Imtixaanka, illaa ay soo dalbadaan Shahaadooyinka, Waayo? markii aanu Jaamacadaha siinay Xogta Imtixaannaadka, waxay Ardayga (Jaamacadda Gelaya Imtixaankiisa) ka eegayaan Xogtii ay haysteen, markaana Shahaadooyinkii Cidba ma qaadanayso oo way dhuuban yihiin Shahaadooyinkii Sannadkii hore.”

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranku wuxuu sheegay in Shahaadooyinka ay Sannadkan Ardayda u soo sameeyeen Tayo ahaan ka wanaagsan yihiin kuwii hore Ardayda loo siin jiray, waxaase uu farriin Digniin ah u diray Dad uu shegay inay Foojari-gareeyaan Shahaadooyinka Dugsiyada Sare ee Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku bixiyo “Berigii hore Reer Somaliland waxay lahaayeen Qiiro (Waddani-nimo) oo may samayn jirin (Foojari-garayn jirin) Dhukumantiyada Somaliland, siiba Shahaadooyinka, laakiin imika waxa soo baxay Qolooyin Naaqus ah oo aanu Caqligoodu ku fillayn oo Shahaadada (Dugsiyada) Somaliland Foojar-gareeya, markaa kuwaa waxaan u sheegayaa inay Dambiileyaal-Qaran yihiin, waxaanan u sheegayaa inaanu jirin Qof dambe oo aanu u dul-qaadaynaa, qaar-baanu Raadkooda ku joognaa.”ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey in Macalimiintii lagu eedeeyay inay Ardayda Imtixaanka ka Caawiyeen isla-markaana QISH u gudbiyeen looga baahan yahay inay Warbaahinta ka sheegaan in aanay Arrimaha noocaas ah dib ugu kacaynin.

Comments are closed