|

Komiishanka Doorashooyinka oo Shaaciyey Dhamaadkii Qaadashada Kaadhka Codbixinta Iyo Isu Diyaarinta Qabsoomida Doorashada oo ay ka Hadhay Mudo Lixdan Cisho ah SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 13. September 2017 (SDN/QJ):-Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo maanta ku qabtay Xaflad ay Ku Shaacinayeen Dhamaadka Hawlgalkii qaadashada Kaadhka Codbixiyaha taas oo lagu qabtay Huteel Ambassador ee Magaaladda Hargaysa.

Waxaa Kulankaasi ka qayb galay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wakiiladda, Taliyeyaasha Ciidamada,Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani, Gudoomiye ku xigeeynka 1aad ee xisbiga Kulmiye, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga UCID iyo masuuliyiin kale.

Xafladan oo lagu soo xidhaayey hawshii kaadh qaybinta lixda gobal ee dalka oo  lagu soo afmeeray labada gobol ee Sool iyo Sanaag.

Waxa halkaas ka hadlay ugu horeyn Komisheneer Cabdifataax Ibrahim iyo Komishaneer Kaltuun Sh. Xasan oo si qoto dheer uga kala hadlay diiwaangalintii, iyo hawshii kaadh qaybinta ee hada soo dhamaatay iyo doorashada inagu soo fooda leh ee la qaban doono 13/11/2017.

Komishaneer Cabdifataax Ibraahin Waxa uu u soo jeediyay seddexda xisbi qaran in ay soo Gudbiyaan musharixiintooda Jagooyinka Madaxweyne iyo Ku Xigeen.

Sidoo kale waxa digniino u soo jeediyey dhanka anshaxa ah saddexda xisbi qaran, oo uga digay in aanay mar danbe dhicin Jebinta xeerka anshaxa ee ay saxeexeen.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Mas’uuliyiinta Sare ee Sadexda Xisbi qaran, Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa iyo xubno kale oo badan.

Ururada aan dowliga ahayen oo uu afkooda ku hadlayey SONSAF mudne Barwaani ayaa aad u sharxay kaalinta ururada aan dawliga aheyni kaga jiraan doorashooyinka iyo qaranimadaba, waxa kaloo uu hoosta ka xariiqay aragtida ay caalamku ka rajeynayaan in ay u dhacdo doorashada madaxtinimada somaliland, ugu dnbeyntiina kula dardaarmay bulshada in la taageero lana garab istaago sidii ay u dhici laheyn doorasho xor oo xalaal ah Isla markaana Rayul caamka adduunka la tuso bisaylka dawladnimo iyo Dimuquraadiyadeed ee Somaliland ka tis qaaday.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa dhankiisa tilmaamay inay tahay Xil maanta Somaliland saaran sidii ay uga qabsoomi lahayd Doorasho Wanaagsan Waxaanu u soo jeediyey dhinacyada hawshani khusayso inay ka feejignaadaan wax kasta oo carqaladaynaya doorashada madaxtooyada ee mudada Koobani inaga xigto,Isagoo dhanka kalena ku amaanay Komiishanka doorashooyinka qaranka sidii wanaagsanayd ee ay u dhameeyeen hawlgalkii qaadashada kaadhka codbixiya.

 

Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane C.qaadir Iimaan Warsame oo Gabo gabadii munaasibadaas ka hadlay ayaa u Mahadnaqay Cid kasta oo kaalin ku lahayd dhamaytirka qaadashadii kaadhka codbixiyaha Waxa uu Gudoomiyaha Komiishanku u soo Jeediyey Sadexda Xisbi Qaran ee ay u Garsoorayaan inay Ilaaliyaan Xeerka Anshaxa Doorashada Madaxtooyadda Isla markaana ay ku soo daraan Qodobo lagu sii adkaynayo Cidii Jebisa Talaabooyinka laga qaadayo.

Gunaanadkii waxa uu gudoomiyuhu sheegay in dhamaan dhaqaalihii, agabkii iyo nidaamkii doorashaduba u dhantahay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Waxa Qudha ee Hadhsanina ay tahay Sidii ay u dhici lahayd Doorasho Xor iyo Xalaal ah Isla markaana laga Ilaaliyo Wax kasta oo Xagal Daac ku keenaya.

Comments are closed