|

Dumarka Maraykanka Oo Ku Maadaysanaya Lana Kala Saftay Dagaalkii Haweenka Trump Isku Qabsadeen Mansabka Marwada Koowaad Ee Qaranka!!

Washington 18. October 2017 (SDN/QJ):- Tan iyo markii ay soo baxeen is qabsashada ay isa sudheen haweenaydii hore ee Madaxweyne Trump iyo haweenayda uu wakhtigan qabaa iyaga oo isku qabsanaya ta loogu yeedhayo marwada koowaad ee qaranka waxa si weyn faallooyin uga bixinaya aadna arrinkaasi si gaar ah u soo jiitay haweenka guud ahaan waddanka Maraykanka oo la sheegay in ay la kala safteen iyaga oo qaarna taageersan yihiin haweenaydii hore in loogu yeedho marwada qaranka kuwo kalena ay taageersan yihiin islaanta uu wakhtigan qabo iyada oo arrinka xiisaha lihi noqday in haweenka badi taageersan marwada hore ay u badan yihiin haweenka carmasha ah ee la furay.

Qisadan xiisaha leh ayaa ku soo beegmaysa wakhti Xaaskii hore ee madaxweyne Donald Trump ee Ivana ay Isniintii ku kaftantay inay tahay marwada koowaad maadaama ay ahayd xaaskii u horreysay ee Trump tan uu imika qabaana iska sheeganayso ee aanay xaq u lehayn.

Melania Trump, oo ah marwada koowaad ee wakhtigan ee uu imika qabo Trump ayaana arrinkaa aad uga cadhootay oo isla markiiba ka hadashay sheegashada haweenayda hore. Wareysi ay warbaahinta ABC barnaamijkiisa Good Morning America, la yeeshay Ivana Trump ayay ku sheegtay in inkastoo ay haysato telefoon toos ah oo ay Aqalka Cad kula hadasho, ay haddana isku dayeyso inaanay aad u wic wicin ninkeedii hore, maxaa yeelay bay tidhi: “ma doonayo inaan keeno wax hinaase ah ama wax la mid ah maxaa yeelay waxaan ahay marwadii u horreysay ee Trump. waxaan ahay marwada kowaad waa sax”.

Afhayeenka minyarada Melania Trump, haweenayda Stephanie Grisham, ayaa hadalkan ugu yeedhay “inuu yahay mid lagu raadinayo in lagu soo jiito indhaaha shacabka. Grisham ayaa sheegtay in marwada koowaad ay jeceshahay inay ku noolaato Washington, DC sharafna ay u tahay nasiibka ay u yeelatay inay noqoto marwada koowaad ee Maraykanka. Iyadoo sheegtay in Malenia ay qorsheynayso in darajadeeda iyo doorkeeda ay u adeegsato inay ku caawiso carruuta, laakiin aanay ku iibin buugaag”.

Ma cadda in madaxweynuhu uu ka warqabay xaaladdan. Wuxuu maalintii Isniinta ciyaarayay cayaar golf ah oo uu la yeeshay Senator ka tisan xibiga Jamhuuriga ee Lindsey Graham. Madaxweynuhu waxa uu guursaday Ivana Trump sanadkii 1977-kii waxaana ay kala tageen 1992-kii. Waxa ay isu dhaleen saddex carruur ah oo kala ah, Donald Trump-ka yar, Ivanka iyo Eric. Ivana Trump ayaa hadda wadda buuggeega cusub ee ay kaga hadleyso korinta caruurta Trump ee la yidhaahdo Raising Trump. Melania waa xaaskii saddexaad ee uu guursado Trump iyo hooyada Barron Trump.

Comments are closed