Uncategorized

Duqa Magaalada Hargeysa oo soo saaray shuruuc nadaafada lagu sugayo

Hargeysa Dec 15,2011(qurbejoog.com)Duqa magaalada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa maanta shaaciyay goaamo ay guddida nadaafada iyo bilicda caasimadu isla qaateen oo khuseeya bilicda Hargeysa.

Duqa Hargeysa waxa uu sheegay in wixii ka danbeeya Todoba casho cidii lagu qabto iyada oo bahdileysa bilicda iyo nadaafada Caasimada la horgeyn doono maxkamad.

Eng Xuseen waxa uu intaa raaciyay in xadhig iyo ganaax lagu muteysan karo cidii wadooyinka dhigta qashin,ama xoolahooda wadooyinka u soo deysa.

Magaalada Hargeysa ayaa in mudo ahba lala tacaalayay sidii loo xakameyn lahaa qashinka dadku dibaddaha ku qubaan iyo xoolaha magaalada iska dhexmushaaxa.

 

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com