Uncategorized

Gobolada Maroodi-Jeex iyo Hawd oo u soo baxay ciyaartii kama danbeysta ee Tartanka Gobolada Somaliland

Burco Dec 15,2011(qurbejoog.com)-Waxa maanta la soo gebagebeyay qeybihii hore ee ciyaaraha kubedda cagta gobolada Somaliland ka dib kolkii gobolka Hargeysa uu ka guuleys gobolka Sool oo ay isku arkeen ciyaartii labaad afarta u danbeysa.

Gobolka Maroodijeex ayaa ciyaarta kama danbeysta la ciyaari doona gobolka Hawd oo Togdheer isna dhawaan ka soo badiyay.

Gobolka Sool ayaa noqday ka ugu ciyaarta wanaagsanaa ilaa iminka una dhibco badnaa tartanka.

Gobolada Maroodijeex iyo Hawd ayaa lagu wadaa maalinimada Sabtida in ay isku arkaan ciyaarta kama danbeysta ah oo ka dhici doonta magaalada Burco garoonka Almse.

Tartnka ciyaaraha Gobolada ee Somaliland ayaa sanadkan ahaa kii ugu xiisaha badnaa oo ay reer Burcana si weyn u martigeliyeen ugana qeyb qaateen.

Qabashada Tartanka ciyaaraha Gobolada Somaliland ee guusha habsamida ku socday ayaa noqonaya guul u soo hoyatay shacabka reer Somaliland iyo xukuumadooda.

 

Qurbejoog-Burco

contact@somalidiasporanews.com