|

Eng Cali Xoor Xoor Oo Qoyska Madaxtooyadda Ka Difaacay Lahaanshiyaha Dhul Dekeda Berberi Ka Mid Ah Oo Si Gaar Ah Loo Xayndaabay,Sheegayna In Dadkii Warkaasi Ka Soo Baxay Uu Xeer Illaalinta Dacwad Uga Furayo

Hargaysa 26. March 2017 (SDN/QJ):- Maareeyihii hore ee Dekeda Berbera ee Awooda badnaa Cali Cumar Maxamed (Xoor Xoor) ayaa qoyska Madaxweyne Siilaanyo ka difaacay eedo uga yimid Axsaabta Mucaaridka oo sheegaya inay leeyihiin Goob si qurux badan loo xayndaabay oo ka tirsan dhulka ay Dekeda Berbera leedahay,Waxa uu dhulkaasi ku sheegay inay wali Dekedu leedahay oo loo dayray Dekeda,Waxaanu meesha ka saaray lahaanshiyaha lala xidhiidhiyay Qoyska Madaxtooyaddda,Waxa kale oo uu sida fiinta uga qayliyay hadal ka soo yeedhay Masuuliyiintaasi Mucaaridka Gobolka Saaxil ah oo ku tilmaamay Cali Xoor Xoor shaqsi Waligiiba u shaqeeya qoyska hadba la Wareega Talada Dalka Somaliland.

Cali Xoor Xoor oo Warbaahinta kula hadlay Shalay Magaaladda Berbera ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Alle halaga baqo waxaan ahayn inaan ka hadlo maan doonayn,Laakiin Waxaaban kugu simayn Dad Shayaadiin ah oo Wadanka jooga,oo aanad kala garayn inay Riyoonayaan inuu Shayndaan u waramo,Arinka Meeshan yar iga dambaysa, Waa laba Badoodkii oo inay Dekedu leedahay waa lagaranaayay,Waxa waxaasi oo dhan looga dan leeyahay Xasadka Horumarka iyo in dekedu Meesha yeelato,Malaha qaar ayaaba jeclaa inay iyagu jeexdaan”.

Waxa kale oo uu yidhi“Waxay ay muujinaysaa Maamuus Xumada dadkeena ku soo badanaysa,iyo Aflagaadada aan cidnaba qabanin ee iskaga daba iminaysa Madaxda Wadanka,Dadku Madaxdooda waxay isku leeyihiin Hab maamuus,Madaxweynaha, inta la shaqaysa ee Wasiiradda ah iyo Qoyskiisuba Waxay shacabkeena ku leeyihiin Habmaamuus, Waxay ku leeyihiin haddii wax loo sheegayo oo la leeyahay Waxbaa qaldan in Hab wanaagsan loogu sheego,been abuurku xaaraan weeyaan, Qof iska hadlay,Niman si ciyaal suuq ah u hadlay oo yidhi Xeradaasi iga dambaysa ee Dekedu leedahay Waxa leh Qoyska Madaxtooyadda,Waxa weeyaan Habmaasuus xumada dhaqanka kasii tagaysa,ee wadankan ku soo kordhaysa ayay ka mid tahay”.

Ugu dambayn waxa uu sheegay inuu Xeer Illaalinta Gobolka Saaxil u gudbinayo dacwad ka dhan ah Masuuliyiintii Mucaaridka ka tirsaa ee haddaladaasi ka soo duuleen,waxana uu yidhi “Xisbiyadda Mucaaridka ah ee Heer Gobolna Arinta noocaasi ah waan uga digayaa,Imikana Xeer Illaalinta ayaan ka furi doonaa Dacwad,inay intaasi uun soo cadeeyaan,intaasi ay kaga hadleen Meesha inay soo cadeeyaan,Anigana waxay igu yidhaahdeen Qoys ayuu u shaqeeyaa, waligay intaan uumanaa Qoys umaan shaqayn,Waxaan Dawlad ahayn umaan shaqayn,Meeshii aanu ka shaqaynaynay iyo Shaqadayadiiba waxay ka dhigeen Dad u shaqaynayay qoys, Qoyskay sheegayaan waxa weeyaan Qoyska Madaxtooyadda”.

Comments are closed