|

Bogga Facebook-ga ee BBC Somali oo ku Dhawaaday in uu Xidhmo ka dib Dacwado isdabajooga oo ay ka Gudbiyeen Shacabka Somaliland

Hargaysa 26. March 2017 (SDN/QJ):- Bogga Idaacadda BBC-du, qaybteeda Afka Soomaaligu ku leedahay Facebook-ga ayaa gabi ahaanba xidhay qaybta qiimaynta ay ku sameeyaan dadweynahu.

Arrintan ayaan ka danbaysay ka dib markii maalmahii ugu danbeeyay cabashooyin badan laga gudbiyay oo la xidhiidha su’aalo laga muujinayo dhexdhexaadnimadooda iyo waliba aqoontooda afka Soomaaliga oo la dhaliilay, kuwaas oo keenay inuu hoos u dhac joogto ahi ku yimaado qiimaynta guud ee bogga. Tiradda guud ee k u xidhan bogga laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-du ku leedahay Faceboook-ga, ayaa haatan ah 813,993 oo qof.

Dadkan faalooyinka ka dhiibinayay ayaa intooda baddan ku eedaynaya inayna dhexdhexaad ahayn. Halka tiro aad u badani oo dadka ka mid ahina ay ku dhaleecaynayeen afka soomaaligooda oo liita

“Wax ka baddala sida aad wax ku wadaan, waliba kuwa wax qora iyo wariyayaasha Kiiniya idiin jooga.” Sidaa waxa sheegay Cismaan, oo ka mid ahaa dadka faalooyinka ku dhiibtay, oo isagu bogga ku qiimeeyay 1 xidig.

Boggaga Facebook-ga ayaa inta badan leh, qiimaynta (Rating and Review) taas oo ka kooban shan xidigood. Xidigta kaliya ayaa ah in qofka qiimaynayaa “uu neceb yahay bogga”, halka labadda xidigood ay tahay “Ma jecli”, saddexda xidigood “dhexdhexaad”, xidigta afraad “wanaagsan”, shanta xidigood “aad u wanaagsan”.

Qiimaynta ayaa hadday hoos u dhacdo ku keenaysa sumcad-darro, iyo hadhaw la ashkatayn karo marka la arko in dad badan ay ka soo horjeedaan waxa uu soo qorayo boogaasi. Halkan hoose waxa ku qoran qoraal arrintaa la xidhiidha oo bogga gaar ka ee facebookga uu internetka lagu baahiyay.

Dadku waxay u adeegsadaan Facebookga inay dadka kula wadaagaan waayo-aragnimadooda, isla markaana ay soo bandhigaan qodobadda ay u arkaan inay muhim yihiin. Taa macnaheedu waxa ay tahay in aad la kulmi kartid fikrado ka soo horjeeda taada, taas oo oo aanu aaminsanahay inay keeni karayso inay wada hadal muhim ah laga yeelan karo qodobadda lagu kala tagsan yahay.

Idaacadda BBC-da ayaa cabashooyin ay ka bixisay xukuumadda Somaliland, muddooyinkii ugu danbeeyay, taas oo keentay in madaxda ugu sarraysa idaacaddaasi ay dalka yimaadaan.

Cabashooyinkan ayaa aan ku koobnayn Somaliland oo kaliya, balse guud ahaan dadka afka Soomaliga ku hadlaa ay ka dhiibinayeen, iyagoo su’aalo ka muujiyey dhexdhexaadnimadooda.

“Maxaa wariye looga waayay deegaanka balaaran ee Puntland.” Waxa hadalkaa yidhi Cismaan.

Dhanka kale Idaacadda BBC-da, oo ka mid ah hay’addaha warbaahineed ee ugu war-hufan caalami ahaan, ayaa ay ku dhigan tahay xeerkooda anshaxa iyo hagaha tifatirkooda (Editorial Guidelines) inay dhago-wadan ku qaabilayaan cabashooyinka ka imanaya dhagaysatayaashooda

Kalsoonida BBC-da lagu qabaa waa qiimaha ugu muhimsan mana aha in la dhayalsado kalsoonidda bulshaddu u hayso BBC-da. Waxaanu joogtaynaynaa xidhiidh daacad iyo daahfurnaan leh oo aanu la leenahay dhagaystayaashayadda, si u kas ahna marna u marin-habaabin mayno marka builshaddu ay nagala soo xidhiidho meelaha kala duwan ee aanu xidhiidhka ka leenahay, waxaana loola dhaqmi doonaa si qadarin, daacadnimo iyo caddaaladi ay ku jirto.

Waxay intaa ku sii dareen sida tan:

Dhagastayaashu waa qalbiga wax kasta oo BBC-du qabanayso. Fal-celinta dhagaystayaashayadda ayaa noogu fadhiya qiime aan la soo koobi Karin, waxaanay naga caawinaysaa in aanu u adeegsano tayaynta barnaamujyadayadda.

Xilkasnimadda aanu u hayno dhagaystayaashayadda ayaa nagu qasbaysa in aanu hubno in si dhakhso, qadarin iyo ixtiraam leh looga hawlgalo cabashooyinka iyo su’aalaha ka imanaya. ((http://www.bbc.co.uk/editorialguidelines/guidelines/interacting-with-our-audiences)

 

Idaacadda BBC-da ayaa haatan xidhay gabi ahaanba qiimayntaas, ka dib markii la gaadhsiiyay 3.7 guud ahaan oo 5 dhibcood ah, iyadoo sida muuqata ka cabsi qabta, illaa haddana wax jawaab celin ah ka bixin cabashooyinka ay dadku ku muujiyeen inay qiimaynteeda hoos ugu dhigaan. Waxaana dad badani ku tilmaameen inay tahay mid cabudhin ay ku saarayso dhagaystaayaasheeda halkii ay isku soo dhawaansho iyo xilkasnimo sida lagu sheegay xeerka tifatarka guud ee BBC-da. Waxaana lagu tilmaamayaa inay jabisay xeerkaasi, taasi oo keeni karayso in lagu dacweeyo cawaaqib foolxunna ku keeni karta maamulka Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

Bogagga Facebook-ga ee afafka kale ku baxa ayaa leh qiimayntan, isla markaana si joogto dhagaystayaashoodu qiimaynta ugu sameeyaan.

Comments are closed