|

ENG Cali Xoor-Xoor Oo Si Xeel Dheer Uga Hadlay Maal-gelinta Dekedda Berbera & Dheefta Dal Iyo Dadba Ugu Jirta

Hargeysa, 11 May, 2016 (SDN/QJ):-Maareeyaha Dekeda Berbera Inj Cali Maxamed Cumar (Xoor-Xoor) ayaa si faahfaahsan uga waramay ahmiyada heshiiskani u leeyahay Somaliland iyo sida loo fulinayo iyo waliba qaabka uu u saamaynayo heshiiskani shaqaalaha Somaliland u dhashay ee hadda ka hawlgala dekeda.

Cali Xoor XoorMaareeyuhu wuxuu arrimahan kaga hadlay wareysi uu la yeeshay wariyaha idaacada BBC-da, laanteeda afka Soomaaliga u jooga Somaliland, waxaanu ugu horreyn faahfaahin ka bixiyey sababta Xukuumadda Somaliland u door biday inay heshiiskan ay la gasho shirkada Dubai World, maadaama oo ay hore u jireen ciddo kale oo danaynayey maalgalinta Dekeda Berbera  “Heshiiskan in badan baanu ka shaqaynaynay, meelihii aanu hiigsanaynay meelo ku dhaw ayuu soo gaadhay heshiiskani, waana kii ugu fiicnaa, tobankaa sano ee aanu raadinaynay cid iskaashi aanu la yeelano oo dekeda lana dhista, waxaanu doonaynaa maanta waxay soo saarto inay labaatan laabkeed soo saarto, waxaanu doonaynaa faa’iidada ay maanta leedahay soddon laabkeed inay yeelato, waxaanu doonaynaa inaanu soo gaadhsiino Somaliland maqaam sare oo ah inay noqoto meel dadka geeska Afrika ka dukaansato”.

Maareeyaha oo la weydiiyey cidda heshiiska lala saxeexday ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu la saxeexanay DP World, waana heshiis hordhac ah, heshiiskuna waa qabyo, qodobo badan oo muhiim ahna waanu ka heshiinay, heshiiskii guud ee ballaadhnaa waa uu noo hadhsan yahay waananu ka wada shaqaynaynaa, waxaananu isleenahay fursadaa ama arrinkaasi shacabka, da’yarta iyo reer Berberaba uga faa’iideeya haddii alle yidhaahdo”.

Cali xoorxoor waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey qodobada heshiiskan iyo qaabka loo hirgalinayo “Haddii aan ku horreeyo marka heshiiska sidaa loo saxeexo deked cusub ayey dhisayaan, birta iyo dhagaxa waa la soo bilaabayaa, sida heshiiska ku cad amase ka danbe ku caddaan doonta, waxa kale oo ka mid in guud ahaan labada dekadoodba la wada yeesho, lana wada maamulo Somaliland (Revenue sharing) dakhli waddaag wanaagsan ka qaadato oo aad loo dardar galiyo, oo aanu dhisme iyo lacagba ka helno, waxa kale oo ka mid ah Shaqaalaha iyo nidaamkooda in wax ku kordha mooyee aanay waxba ka tagin, waxa kale oo ka mid ah in hawl aanay dawladu ogeyn haddii ay tahay ta joogta ama tu mustaqbalka timaadaba aanay waxba ka qaban Karin, iyo in tacriifadaha laga wada tashado waxa kale oo ka mid ah in horumarka waddanka laga wada shaqeeyo, iyo inay kaalmo weyn ka geystaan dhismaha waddada isku xidha Somaliland iyo Itoobiya”.

Maareeyaha oo la weydiiyey waqtiga la saxeexayo heshiiska danbe ayaa ku jawaabay “Shaqadu waxay bilaabantay intii aanu ku maqnayn Dubai, wax ka horreeyey oo shaqo ahina ma jirin, shaqooyinka noocaasi ahi waqti badan ayey qaataan, balse anagu waxaanu ku dadaalaynaa inay noqoto waqtiga ugu gaaban ee ugu macquulsan inaanu ku dhameystirno”.

Maareeyuhu waxa kale oo jawaab ka bixiyey saamaynta uu ku yeelan karo heshiiskani heshiiskii dhawaan ay dawlada Itoobiya la soo galeen “Waxay noqonayaan caano iyo subag laysku daray, dekeda Berbera inaga ayaa leh shaqadan aanu hadda soo qabanay iyo shaqadaasi hore way is kaabayaan”.

Inj Cali xoorxoor waxa uu daadifeeyey in heshiiskan xukuumadda Somaliland la gashay shirkada Dubai World uu ku lug leeyahay Ganasada reer Jabuuti ee la yidhaa Cabdiraxmaan Boore “Anagu heshiiska waxaanu la soo galnay ama la galaynaa Dubai World, anaga meel Ina Boore meel heshiis lagula galay, meel dawlada uu kula shiray iyo meel uu noogu yimid midna ma jirto”.

Comments are closed