Addis Ababa March 25 2013 (SDN)– Laanta Sirdoonka Ethiopia ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay 8-ruux oo ka tirsan Al Shabaabka Soomaaliya kuwaasi oo ay ku eedeeysay in ay maleegayeen Afduub ay u geystaan Shaqaalaha qaramada Midoobay ee ku sugan dhulka ay ka taliso.
NISS-ta Ethiopia ayaa tilmaamtay in kooxdan ay qabteen ay doonayeen in ay afduubtaan Ajaanib u shaqeynasay Barnaamijka Cunada Aduunka (WFP), Barnaamijka Hormarinta Qaramada Midoobay, waxaana ay intasi ku dartay in ay doonayeen in ay u qaataan Soomaaliya islamarkaana ay madax furasho ka dalbadaan.
Warasaxaafadeed Laanta Sirdoonka Ethiopia ay soo saartay ayaa lagu xaqiijiyay in 8-daasi ruux ay ku jiraan gacanta Ciidamada Ethiopia islamarkaana talaabo laga qaadi doono.
Saraakiil Ethiopian ah ayaa u sheegay wakaalada Wararka baahisa ee Reuters in kooxaha laqabtay ay afduubka ka geysan rabeen Xirada ay qaxootiga Soomaalida ku jiraan ee ku taala Dolow Cade halkaasi oo ay gaaraan shaqaalaha Q aramada Midoobay ka socda.
Hadalka ka soo baxay Laanta Sirdoonka Ethiopia ayaa imaanaya Labo bil kaddib markii mas’uuliyiinta wadankaasi ay xireen 15-ruux oo lagu tuhmayo in ay ku soo tababarteen xeryo ay Al Shabaab leeyihiin.
SDN-Addis Ababa
