Uncategorized

Faah Faahin: Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Isgoyska KM4 Ee Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Muqdisho May 05 2013 (SDN)— Waxaa faah faahin ka soo baxaysa qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Isgoyska Km4 ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo uu fuliyay qof naftii hure ahaa oo watay gaari yar ayaa waxa u lala bartilmaameed saday gaari uu lahaa Wasiirka Arrimah Gudaha iyo Amniga Qaranka oo marayay halkaasi.

Inta la xaqiijiyay 8-ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaasi tiro intaasi kabadana waa ay ku dhawacmeen.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa soo gaaray Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka, Taliyaha Ciidanka booliska iyo saraakiil kale kuwaasi oo sheegay in qaraxaasi ay kadanbeeyeen Al Shabaab.

Dhaq dhaqaaqii dadka gaadiidka iyo ganacsiga ayaa wali hakat ku jira waxaa goobta kusugan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Qaraxan qasaaraha geystay ayaa ku soo aadaya xilli shalay la soo idleeyay xayiraad gaadiidka dadka weyna iyo isku socodka wadooyinka Muqdisho la saaray muddo 4-maalmood markaasi oo ay dowladu sheegtay arrimo Amaan awogood in sidaasi loo sameynayo.

SDN-Muqdisho

3214