|

Faahfaahino ka soo baxaya Qarax gaari lagu xiray oo Muqdisho ka dhacay (Daawo Sawirro)

Muqdisho 02. February 2017 (SDN/QJ):-Qarax gaari lagu soo xiray ayaa ka dhacay maanta wadada Beyxaani oo ka tirsan degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Waxaa ku geeriyooday Mustaf Jeylaani Abba Sheekh oo ka tirsanaa Shaqaalaha Dekedda Muqdisho kaasoo iska lahaa gaariga la qarxiyey sida dad goob joogayaal ah ay warbaahinta u xaqiijiyeen.

Marxuumka ayaa xiliga ay la qarxeysay miinada gaarigiisa loogu xiray ka yimid goobtiisa shaqada isagoo ku sii jeeday hoygiisa oo ku yaalla degmada Kaaraan.

Qaraxa ka dib marxuumka oo dhaawac ah ayaa loola cararay goobaha caafimaadka oo markii dambe uu ku naf baxay sida ay sheegeen dad eheladiisa ah.

Shaqaale dowladeed, weriyeyaal, saraakiil ciidan iyo dad kale oo fara badan ayaa horey loogu qaarajiyey qaraxyo loogu xiray gaadiid ay wateen.

Comments are closed