|

Fadkii Guusha WADDANI oo Ka Hillaacay Koonfurta Hargeysa iyo Xaflad Fooladeyn ah oo Xisbiga WADDANI uu Maanta Ku Qaabilay Siyaasiyiinta Badhtamaha iyo Koonfurta Hargeysa oo Ku Soo Biiray+SAWIRO

Hargaysa 09. October 2016 (SDN/QJ):-Xaflad aad u bilan oo Xisbiga WADDANI ugu fooladeynaayey fadka guusha  WADDANI oo ka hillaacay Koonfurta iyo Badhtamaha Hargeysa, sida oo kale na lagu soo dhaweynaayey siyaasiyiin meeqaam sare ku leh saaxadda siyaasadda Somaliland iyo taageerayaal aad u tira badan oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI, ayaa maanta ka qabsoontay hotel Ambassador ee Hargeysa.

Siyaasiyiintan maanta uu u fooladeynaayey Xisbiga WADDANI, ayaa waxa ka mid ahaa Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa),  Siyaasi Cali Sanyare, Cabdiraxmaan Jaamac  Taarwale, Pro.Rashiid Aadan, Inj.Maxamed Baaruud, Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare, Inj. Yuusuf Gaydh , Inj.Cabdi Yuusuf Miishaar iyo Dr.Xasan Cabdi Qase, waxaana xafladdii fooladeynta ka soo qeyb-galay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, xildhibbaano, madax-dhaqameed, culimmaa-uddiin, haween iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan.

Siyaasi Ismaaciil Hurre (Buubaa), oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Somaliland sida oo kale na ah ruug caddaa siyaasiya oo caan ka ah guud ahaan geeska Afrika, ayaa sheegay in uu si aada ugu faraxsan yahay in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, waxaana uu sheegay in aanay noqon doonin oo kaliya siyaasiyiin ku soo biira Xisbiga balse ay noqon doonaan kuwo hormuud ka ah guusha Xisbiga WADDANI.

“Maanta warku halka uu maraayo iyo sida ay wax yihiin in aanu kolkii dambe aanu gidigayo isku afgaranay halka la maraayo iyo cududa dadweyne ee na aaminsan, noo na arka in aanu hormuud u nahay in aanu ku soo biirno Xisbiga WADDANI, ku soo biir kayagu na noqon maayo annagu na nimid, se waxa uu noqon doonaa mid wax weyn ku soo kordhiya Xisbiga iyo waddanka Somaliland ba. siyaabo fara badan ayey arrintaas u suuroobi doontaa, ama ha noqoto Xisbiga oo tayeyntiisa iyo saarayntiisa maamul ba aanu hubno in aanu wax ku soo biirin doono oo suuro-gal u noqota in uu noqdo Xisbiga koowaad ee ku guulaysta Doorashooyinka soo socda.”. Ayuu yidhi Siyaasi Buubaa

Wasiirkii hore ee wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland Inj.Cali Sanyare oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay ay ku qanceen in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga kaliya ee dalka ka abuuri kara isbedel dhab.

“Markii aanu wax eegnay, markii aanu falan-qeynay xaaladda guud ee dalka, waxa aanu qaadanay in dalkani uu isbedel u baahan yahay deg-dag ah. haddii aan isbedel imanna waxa aan saadaalin karnaa in dalkan meel fog laga eegi doono, laba wax baana dhici kara haddaan isbedel iman, innaga oo la innaga dhex tooso oo dad aynu garanynaa ay innaga dhex toosaan iyo iyada oo kacdoon bulsho oon la xakameyn karin ay dhacaan, markaa waxa aanu garanay in aanu Xisbiga WADDANI ku soo biirnno oo aanu is lee nahay waa Xisbi keeni kara isbedel run ah.”.Ayuu yidhi Cali Sanyare

Guddoomiye ku xigeenka WADDANI Axmed Muumin Seed, Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibbaan Buubaa, Xildhibbaan Rayte, Xildhibbaan Aareeye, Marwo Faadumo Siciid iyo weli ba xoghayaha garabka dhalliyarada heer qaran ee Xisbiga WADDANI Cabdifataax Siciid oo dhammaantood ba halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay si aada u soo dhaweynayaan siyaasiyiinta iyo taagerayaasha ku soo biiray, waxaana ay hoos ka xariiqeen in maanta ay guushii Xisbiga WADDANI ka hillaacday Koonfurta magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isna dhankiisa halkaas khudbad dheer ka jeediyey, ayaa sheegay in uu maanta si aada ugu faraxsan yahay in ay Xisbiga WADDANI ku soo biiraan siyaasiyiinta Koonfurta iyo Badhtamaha Hargeysa.

“Maanta aad baan u faraxsanahay, runtii na haddii af Soomaaligaygu yara qaldamo waa farxadda ee ha ila yaabina, waxaana aan jeclahay in aan marka hore dadka qiimaha leh, ee miisaanka leh, ee siyaasiyiinta reer Hargeysa ah ee maanta ku soo biiray Xisbiga WADDANI in aan ku hambalyeeyo go’aankooda ah in ay xoojiyaan oo miisaamaan, aad baan ugu faraxsanaha, marka waxa kaliya ee aan hubbaa waxa weeye in kefadda siyaasadda Somaliland uu wax weyn ka bedeli doono Miisaankoodu , kefadda siyaasiga ah ee Somaliland maanta way ciirtay oo waxa ay u ciirtay xagga WADDANI, waxa aan qabbaa in munaasibaddan, xafladdani in ay astaan u tahay astaamo badan oo si dimuqraadi ah xukunka looga gala wareegaayo Xisbiga KULMIYE, waxaana aan ku tilmaami karaa in ay tahay qaswaddii ugu horreysay ee qaswatul Beder ah, hada ha yaabina, berito na waa qaswato Uxud, kuwa dambe sii sheeg sheegi maayo si aan dadka qaarkood aanu shuban ugu dhicin, walaale yaal waan kaftamayaa maanta oo waxa aan islee yahay in aanu saaxiib ahayn waan tebayaa, waa kuma ninkaasi, waa saaxiibkay xildhibbaan Cabdiraxmaan Dheere.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).

img_0001 img_0009 img_0022 img_0028 img_0038 img_0045 img_0051 img_0054 img_0065 img_0069 img_0080 img_0092 img_0105 img_0111 img_0124 img_0135 img_0136 img_0166 img_0178 img_0214 img_0220 img_0222 img_0239 img_0243 img_0263 img_0289 img_0309 img_0315 img_0322 img_0325 img_0342 img_0344 img_0350 img_0357 img_0371 img_0398 img_0401 img_0440 img_0444 img_0461 img_0477 img_0488 img_0498 img_0507 img_0517 img_9904 img_9908 img_9910 img_9914 img_9918 img_9942 img_9950 img_9958 img_9974 img_9986 img_9987 img_9990 img_9993

Comments are closed