Fanaan Axmed Biif oo Ka Baxay Saaxada Fanka Isla Markaana Ku Talo Jira Sidii uu u Noqon Lahaa Sheekh Diinta u Shaqeeya

Makkaha 14. June 2017 (SDN/QJ):- Fanaanka Soomaaliyeed Axmed Cabdikariim Maxamed (Axmed Biif) ayaa waxa uu sheegay in uu guud ahaanba ka baxay Fanka isla markaana uu Alle u toobad keenay isagoo ummadda islaamka ka codsaday inay usoo duceeyaan. Waxaana uu sheegay in uu noqon doono Sheekh diinta Alle ka shaqeeya.

Fanaanka ayaa waxa uu sidaasi u sheegay isagoo ku sugan masaajidka barakeysan ee Xaramka.

Ma aha Markii Kowaad ee Mid ka Mid ah Fannaaniinta Somalidu uu ka Baxo Fanka una Xuub Siibto dhinaca diinta.