|

Fanaanad Caan ka ah Geyiga Somalidu degto oo Ku Xannuunsanaysa Magaaladda Muqdisho & Wasiirad Booqatay

Muqdisho 26. March 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsaneysa Fanaanada caanka ah Zeynab Xaaji Cali Siigaale “Baxsan” oo kamid aheed hoobaladii uu lahaa Qaranka Soomaaliya.

Fanaanada Zeynab Baxsan ayaa lagu soo waramayaa in ay xaaladeeda caafimaad aad u liidato, waxa ayna ku xanuunsaneysaa gurigeeda oo kuyaala magaalada Muqdisho sida ay eheladeeda ku warameen.

 

Wasiirada isboortiga iyo dhalinyarada Xildhibaan Khadija Maxamed Diiriye oo ku booqatay Fanaanada hoygeeda Muqdisho ayaa sheegtay in xaalada caafimaad ay fanaanada ay tahay mid liidato siina xumaaneysa.

 

Xildhibaanada ayaa ugu baaqday dowlada Soomaaliya ,shacabka iyo fanaaniinta Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Fanaanada baxsan ayna gacan ka geestaan sidii ay daaweyn buuxda u heli laheed Fanaanada qaranka.

 

Fanaanada Zeynab Xaaji Cali Baxsan ayaa kamid aheed fanaaniintii ugu horeesay ee Soomaaliyeed, waxa ayna door muuqda ku laheed Fanka Soomaaliya, Fanaanada ayaana horey dalka uga bixin iyadoo dooratay in dalkeeda ku noolaato ayna dadkeeda la qeybsato dhibka jiray.

Comments are closed