|

Nuxurka Kulan Dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Dhigiisa Musaveni ee Ugandha oo Gadh Wadeen ka ahaa inuu Xilka baneeyo Xiligii uu Raysal Wasaaraha Somalia ahaa

Nairobi 26. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kulan gaar ah kula qaatay dhigiisa wadanka Ugandha Yuweri Musaveni.

Labada hogaamiye ayaa ka qeybgalaya shir madaxeed gaar ah oo madaxda urur goboleedka IGAD ku leeyihiin magaalada Nairobi kaasoo looga hadlayo arrimaha abaaraha ka taagan geeska Afrika iyo Qaxootiga.

 

Musaveni ayaa garwadeen ka ahaa Heshiiskii Kampala ee ku qasbay Farmaajo inuu iska casilo xilka Ra’iisul Wasaaraha sanadkii 2011 ka dib khilaaf soo dhex galay isaga iyo guddoomiyihii Baarlamanka ee xiligaas Shariif Xasan oo hadda ah madaxweynaha maamul goboleedka K/galbeed.

War ka soo baxay madaxtooyada Ugandha ayaa lagu sheegay in Musaveni uu ugu hambalyeeyey Farmaajo guushii doorashadiisa iyo sida uu taladiisa u qaatay xiligii uu raisul wasaaraha ahaa wuxuuna siiyey talooyin ay ka mid yihiin inuu dhameystiro dhismaha ciidamada qalabka sida ee Somalia.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa isna uga mahad celiyey Musaveni taladii wanaagsaneyd ee uu isku casilay xiligii uu raisul wasaaraha ahaa, wuxuuna xusay in iyadoo la eegayo danaha dalka loo baahan yahay in talaabooyinka noocaas ah la qaado, isagoo balan qaaday inuu qaadan doono talooyinka uu u soo jeediyey.

 

Ugandha ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamada ugu badan ee ka tirsan howlgalka midowga Africa ee AMISOM, kuwaasoo taageeraya dowlada Somalia, dagaalna kula jira xoogaga mka horjeeda ee Al-Shabaab.

Comments are closed