|

Fanka Laxan Samaynta Iyo Saamaynta uu ku leeyahay Heesaha Soomaalida Iyo Xidig ka mid ah Kuwa Codadkooda Loogu Jecel yahay  DAAWO

Muqdisho 12. September 2017 (SDN/QJ):- Cabdi Kariin Faarax Qaareey Wuxuu Ku Magac Dheer yahay ‘’Cabdi Kariin Jiir’’ Waa Mulaxan aad u yaqaan Codadka Laxan ee Heesaha soomaaliga.

Waxa uu Weliba dheer yahay Laxan sameeyeyaasha Heesaha Soomaalida Kuwiisu waxay leeyihiin hab dhaqac gaar ah oo baadisooc u ah Sida inay Heestu dhawr jeer is bedbedesho Laxankeedu.

Heesaha dhaadheer ee laxankoodu is badbadalo badankooda isagaa laxamiyay sida:-Siraad, Baladweyn, Dhoof caashaq, Ayaamaha, Jacaylkaa dhigiisa, Guuleed ma joogaa, adaa beeray jacaylka, saddex cadow, Axaddii, Daala aragtideeda, Naftu doqonsanaa, ma dadkii kitaabkiyo, ila tali waxgaradow, shimbiryahow ma duushaa, jacayl dhiig ma lagu qoray, sabab kale ha moodine, Laaleys, rako iyo qaar kaloo badan ayaa ka mid ah heesaha uu codka saaray.

 

Comments are closed