|

Jaho-wareer Ka Taagan Dekedda Berbera Oo Maraakiib Xamuul Ahi 2 Bilood Taagan Yihiin, Cabashada Ganacsatada, Muhmalka DP World Iyo Sabaalaha Dawladda Somaliland!!

Berbera 12. September 2017 (SDN/QJ):- Ganacsatada Alaabooyinka kala soo dega Dekedda Berbera ayaa ka cabanaya in Shirkadda DP World ee Maamusha Dekeddu aanay sidii la rabay u wadin Shaqada Dekedda isla-markaana Alaabooyinka ay sidaan Maraakiibta laga dejin wakhtiga ugu Munaasibsan oo ku habsaamaan, taasina caqabad ku tahay Ganacsigooda.

Ganacsatadan oo ay wehelinayaan Mukhallasiinta Shirkadaha Ganacsiga Alaabooyinka uga soo rara Dekedda, ayaa sheegay inay Dekedda ku xidhan yihiin Maraakiib yimid laba Bilood ka hor, ka dib hannaanka DP World shaqada Dekedda u waddo suurto-gelin waayey in la dejiyo, sidaasi awgeed ay DP World ka dalbadeen inay alaabooyinkooda dibedda ugu soo saaraan, si ay Dekedo kale ugala soo degaan.

Ganacsatada oo qaarkood Shalay Shir-jaraa’id ku qabteen Magaalada Berbera ayaa waxay sheegeen in Maamulka Dekedda ee Shirkadda DP World oo ay doonayeen inay kala hadlaan sida xal looga gaadhayo Habsanka ku yimaadda dejinta Alaabooyinku ay soo hor-dhigeen Qorshe kale, kaasi oo ah in Ganacsatadu markay soo gelayaan Dekedda ay soo xidhaan Koofiyad bir ah, Kabo Qadh ah iyo Jaakeed gaar ah, laakiin aanay xilligan taasi diyaar u ahayn, maaddaama oo Shirkaddu ka caga-jiidayso inay dhegaysato soo jeedimaha Ganacsatada.

Yuusuf Cali Nuur oo ka mid ah Ganacsatada adeegsada Dekedda Berbera oo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa faahfaahiyey waxyaabaha ay ka cabanayaan, waxaanu yidhi “Dekedda Shaqo wanaag ayaanu uga barranay, laakiin Shaqo Xumo ayay soo kordhiyeen (DP World), Shaqo Xumadaasi waa xagga dejinta iyo Raridda Alaabooyinka. Waanu ka cabanay oo waxaanu ku nidhi 77 Dekedood ayaad maamushaan, waxaanu idinka filaynay inaad Dekedda qalab keentaan oo aad horumarisaan, laakiin Qalabkii hore ee ay Dekedda ugu yimaaddeena way fadhiisiyeen, Qalab kalena kumay soo kordhin, markaad waydiisana waxay odhanayaan Annagu ma garanayno ee Go’aanka waxaanu ka sugaynaa Dubai (Xarunta Guud ee DP World)…”

Ganacsade Yuusuf Cali Nuur waxa kale oo uu ka hadlay Qalabka ay DP World doonayso inay xidhaan Dadka Dekedda gelaya, waxaanu sheegay in DP World ay Arrintaasi ku qarinayso Cabashada Ganacsatada “Annaga oo doonayna inaanu ka wada-hadallo wakhtiga aanu doonayno inay Alaabooyinka noogu dejiyaan, ayaa waxay Miiska soo saareen Kabo, Koofiyad iyo Jaakeeddo ay yidhaahdeen kuwaas ayaynu ka wada-hadlaynaa, markaa Arrintan ay keenaan ma xumo, laakiin sababtay u keeneen waxa weeyaan waxay doonayaan inay Arrintii aanu ka wada hadli lahayn ku qariyaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Haddii berigii hore Alaabta Markabka lagaga rogi jiray 14 Cisho, imika Maraakiib-baa laba Bilood taagan, Annaguna waxaanu soo jeedinay in Kaargooga la noogu rogo 10 Maalmood, markaa iyaga oo jawaab noogu maqan ayay Arrintan Kabaha, Koofiyadda iyo Garamada la xidhanayo keeneen.”

Yuusuf Cali Nuur wuxuu faahfaahiyey Go’aamo ay Ganacsatadu ka gaadheen arrintan ay ka cabanayaan “Tujaartii waaweynayd waxay Xalay (Habeen hore) ku yidhaahdeen DP World haddii Arrintu sidaa tahay Alaabtayada dibadda noogu soo saara aanu raranee, illaa Shan boqol oo Gaadiidlay ahina ma gelin Dekedda, markaa Dawladdana waxaanu ugu baaqnay inay na dhexdhexaadinayaan, Annagu horumarka ma diidanine, markaa Dawladdayada ayaanu Talo ka sugaynaa.”

Inkasta oo Cabashada Ganacsatadu tahay habsanka Dejinta iyo Raridda Alaabooyinka, haddana Badhasaabka Gobolka Saaxiil Jaamac Yuusuf Axmed iyo Maareeye ku-xigeenka Dekedda Berbera Cabdi Cabdillaahi Xasan Mataan oo Shalay Shir-jaraa’id kaga hadlay Cabashada ayaa sheegay in Shaqada Dekeddu sideedii tahay, laakiin aanay garanayn waxay Ganacsatadu ku diidayaan inay xidhaan Qalabka Shirkaddu doonayso in Dekedda lagu soo gelo, “Bil ka hor ayay DP World soo saartay Siyaasad ay sheegtay in lagu dabaqayo ta DP World meelaha kale kaga shaqeyso, taasi oo ah bedbaadada Qofka Dekedda soo gelaya, waxayna codsadeen la xidho Koofiyad, Kabo (Qadh ah) iyo Jaakeed, waxayna yidhaahdeen Qofka badbaadadiisa waajib baa naga saaran, Arrintaa waa loo sheegay Ganacsatada, waxayna u sheegtay inaan Qalabkan laga iibinayn. Markaa Ganacsatada iyo Mukhalasiintu ay arrinta u hoggaansamaan oo ay Qalabkaa soo qaataan, Shaqadoodiina dib u cusboonaysiiyaan ayaanu ka codsanaynaa.”ayuu yidhi, Maareeye ku-xigeenka Dekedda Berbera Cabdi Cabdillaahi Xasan Mataan.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed ayaa isaguna yidhi “Koofiyadda Ganacsatadu diiddan tahay inay xidhaan waxay badbaado u tahay Cid kasta oo ay Madaxa wax kaga soo dhacayaan, markaa DP World dan uma aha ee Qofka xidhanaya ayay dan u tahay.”

Ugu dambayn, Hay’adaha Xukuumadda ee Arrintani khuseyso ayaan weli ka hadal Jaho-wareerka ka taagan Dekedda Berbera.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Dr. Cumar Shucayb Maxamed oo Wargeyska Himilo isku dayey inuu arrintan wax ka waydiiyey ayay noo suurto-geli wayday inaanu helo, maaddaama oo Telefoonkiisa Gacantu xidhnaa.

Comments are closed