|

Farqiga u Dhexeeya Markii Somaliland Dhawrka Suldaan Lahayd,Marxalada Haatan Iyo Doorkii Suldaan Maxamed Suldaan Faarax AHN

Hargaysa 03.Sep 2016 (SDN/QJ):- Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa sheegay inay Sandaladdu wakhtigii hore ee ay Somaliland oo dhani dhawrka Suldaan lahayd ka wax tar badnayd, isla markaana ka tayo iyo talo fiicnaayeen immika oo ay Kun Suldaan ka jiraan Somaliland.

Suldaan Xasan waxa uu sheegay inay wakhtigaas hore talo ahaan, tayo ahaan, tilmaan ahaan iyo toosnaanba ka fiicnaayeen sida ay immika Dhaqanka Sandaladda iyo Salaaddiintu tahay, tiro mooyee tayadiii, taladii toosnayd iyo tilmaantii fiicnayd ee Sandaladda lagu yaqaannayna hoos u dhacday, tiradooduna korodhay.
Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan waxa uu sidaa ku sheegay Munaasibadii lagu furay dugsigaasi oo lagu qabtay barxada dugsigaasi.

Dugsigan Sare ee loogu magac-daray Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa noqonayaa dugsigii ugu horeeyey ee noociisa ah ee Somaliland laga sameeyo, kaas oo uu maanta si rasmiya xadhiga uga jaray Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habbane.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ka hadlay xafladii lagu furayay Dugsiga sare ee loogu magac-daray Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa waxa uu yidhi “Farxad-weyn ayay ii tahay, sharaf-weyn ayay ii tahay, qurux weyn ayay ii tahay, inaan ka soo qeybgalo munaasibadan lagu furayo Dugsiga sare ee loogu magac daray Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo aniga adeerkay ah, oo xasuus iyo xus-ba inagu leh, oo xaq-dhowr inagu leh, oo ay taariikhdiisu jireyso ilaa inta aynu adduunka ku nool-nahay.”

“Dugsigani dugsi uun iimaaha ee waa dugsigii ugu horreeyey ee Suldaan loogu magac-darro, oo Suldaan asala loogu magac-darro, Suldaan qadiima loogu magac-darro, Suldaan taliyey oo samaha jecel loogu magac-daray, markaa shucuur gaara ayay noo leedahay bahdayadii dhaqanka”Ayuu yidhi Suldaan Xasan.

“Taariikhda Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waa taariikh mug iyo miisaan-weyn oo gabalka ayaa inooga dhacaya haddii aynu is-nidhaahno ka sheekeeya,…. Suldaan Maxamed Suldaan Faarax halgankii kow ayuu ka ahaa oo waxa uu talaabay sanadkii 1983-kii, hubka dhigistiina 1994-kii kow ayuu ka ahaa….Suldaan Maxamed wixii uu inoo sii dhigay waxay ka muuqataa qaranka iyo dalka-ba, wataa maanta qof qori sitaa-ba aanu dalka dhex-mareyn, waxaanan u mahad-naqayaa intii ku fikirtay in dugsigan loogu magac-darro Suldaan Maxamed Suldaan Faarax”.

“Saldanadu markii a ahayd Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Iyo Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye iyo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye ayay ka tayo badnayd oo way ka tallo badnayd, oo way ka wax-qabad badnayd maanta oo ay Kun Suldaan meesha yaacayaan….Waan kaftamayaaye mid imika dhashay oo laba sanadood jiray ayaa odhanaya Suldaan guud ayaan ahay,waar dib nooga yara fadhiista ayaan leeyahay, adigoo liitarkii-ba kugu qalalin hadaad Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Suldaan Cumar iyo Suldaan Xasan isku dhereriso way yara adag tahay,halkaa ka noqda ayaan leeyahay.Aniga (Suldaan Xasan) Suldaan Cumar waa geed xidhahayga isagana geed xidhihiisa ayaan ahay. Dugsigan sare ee loogu magac-daray Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa ka soo bixi doona dad dalka madaxweynayaal ka noqda”

Xafladii loo sameeyey furitaanka Dugsigan sare ee loogu magac-daray Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, ayaa waxa ka soo qeybgalay Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane, Suldaanka guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Guddoomiyaha Imtixaanaadka qaranka Daa’uud, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-SIIRO), Mulkiilaha Dugsiyada Nuuradiin Iskuulis Mahad Ibraahim Maxamed, Mulkiilaha Huteelka weyn ee Ambassador Khadar Ambassador, Siyaasiyiin, Xildhibaano, Dhalinyaro iyo marti-sharaf kale oo tiro baddan.

Comments are closed