|

“Badheedhka Muuse Biixi iyo Badweynta uu ku Haftay..Falalka uu ku kacay Muuse Biixi waxay keentay xaal abuur ka dhex dhaca qoyska saldanada Subeer Awal”. Xuseen Xasan Badmaax

Hargaysa 03.Sep 2016 (SDN/QJ):- “Bulsho waliba waxay leedahay maamul dhaqameed,waxaanay doortaan madax u maamusha hawlahooda iyo kuwa u dhaxeeya bulshooyinka ay la ood yahiin ama meel fog-ba kaga yimaada.Waxa lagu magacaabaa Suldan,ugaas,garaad iyo caaqil.
badddSaldanadaha dalkan Somaliland waxa jira qaar guun ah oo lama taabtaan ah iyo kuwo waraabe u taaga oo beryahan danbe inagu batay,xukuumadan dalka hogaamisaana sii naaxisay.Taasi waxay keentay xukuumada Axmed-siiraanyo inay dhaqan geliso adeegsiga suldaamada waraabe u taaga ah.Waana sababta ay u fadhiidiyay hab-dhaqanka dimuqraadiyada.
Talaabadaasi waxay ka mid tahay sababaha aynu dib ugu noqonay xisbiyada qaranku inay qabiil ku salays-naadaan. Sidaa darteed Musharaxa xisbul xaakimka ee Kulmiye Muse Bixi oo aynu ogayn xoogii ay xukuumadu ugu meel marisay musharax-nimada Kulmiye ayaa ku kacay inuu fara gelin aan dhaqamada saldanadaha hore loogu arag ku sameeyo Saldanada guunka ah ee Subeer Awal.
Muse Biixi markuu ogaaday beelaha Subeer Awal inay ku sii qul-qulayaan taageerada musharaxa xisbiga ucid Jamaal Cali xuseen ayuu timaha xiirtay oo uu cumaamad kula kufay Maxamed Axmed Suldan C/raxmaan oo ay laba walaalii kala dhaleen Suldanka guud ee Subeer Awal Suldan Xasan Suldan A. Suldan C/raxmaan.Fajac iyo amakaag ayay ku noqotay bulshada reer Somaliland falka uu ku kacay Musharaxa Kulmiye M.Biixi.Waa ma dhacdo,mana suurta gelayso laba ilmaadeer ahi inay beesha u noqdaan Suldaamo!!!
Falkaa uu ku kacay Muse Biixi waxay keentay xaal abuur ka dhex dhaca qoyska saldanada Subeer Awal.Odayaal iyo wax-garadkii la hadlay ee soo fadhiisiyay ninkaa Muse Biixi ka dhigay waraabe u taagu waxuu rumaystay cumaamada Muse Biixi u mal-maluuqay,waanu ku gacan saydhay inuu falka foosha xun dib uga laabto.
Hada waxay gaadhay Adam Suldan C/raxmaan Suldan Deriye oo adeer ah Suldan Xasan iyo Maxamed Axmed inuu dhirbaaxo oo gacan saaro.Taas oo dhamaanteen inoo xeer ah. Ninka qaldama waa inuu qoyskoodu qabtaan oo ay saxaan.Balse Maxamed adeerkii ayuu bolis u soo kaxaystay! Waxa la yaab leh qaladka intaa leeg ee uu Muse Biixi dhex dhigay qoyska saladanada Subeer Awal hadana xukuumadu inay raadiso Adam Suldan oo ay isku daydo inay xadhig xaq-darro la beegsadaan.
Muse Biixi waxuu u badheedhay inuu badweyn dhex muquurto aanu dabaasha cusub u tabo baran.Midna ha la ogaado Muse waxuu u hanqal taagaya inuu dalka hogaamiyo!
Xoghayaha Xuquuqal Insaanka Ucid
Xuseen Xasan Badmaax

Comments are closed