|

Faysal Cali Waraabe & Baashe Cawil Oo Eedo Ba’an U Jeediyey Dadka Ka Mudaharaadaya London

Hargaysa 28. February 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha ahna Musharaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar, ayaa eedo ba’an ujeediyey dadka reer Somaliland ee la sheegay inay London ka sameynayaan Mudaharaad ay ku diidan yihiin Saldhigga Millatari ee lmaaraadka Carabta laga siiyey Madaarka Magaalada Berbera.

Masuuliyiintan ayaa arrintan kaga hadlay khudbado ay ka jeediyeen kulan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ay ku yeesheen Jaaliyadda Reer Somaliland ee dalkaasi ku nool iyo Weftigii Xukuumada Somaliland ee halkaasi u tagey dhameystirka heshiiska Maalgalinta shirkadda Dp World ee Dekeda Berbera.

Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar, oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waxaan dhawaanahan arkayey qollooyin la leeyahay safaarada Soomaaliya ee Ingiriiska iyo dad sheeganay reer Somaliland oo ka soo hor jeeda Saldhiga Millatariga Imaaraadka Carabta la siinayo ayaa ku mudaharaadaya, arrinkaasi haddii uu jiro, anigu u maleyn maayo in uu jiro’e waa arrin run ahaantii ceeb inagu ah, waxaan leeyahay haddii aynu reer Somaliland inagu waxaynu leenahay Dimuqraadiyad, taasoo ka jirta dalka gudihiisa waxaana inoo qaabilsan Golayaasha iyo Axsaabta wixii halkaasi ka soo baxana waxa uu mudan yahay in aynu taageerno oo aynu is garab taagno”.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha ahna Musharaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo isna Khudbad ka jeediyey kulankaasi ayaa ka hadlay sida uu u arko dadka London ka mudaharaadaya waxaanu yidhi “Walaalayaal, dadka reer Somaliland ee la soo safta caddowgaaga oo ah cid neceb jiritaankaaga, maaha mucaarid ee Khaayimiin ee aynu ka soo hor jeedsano, waad ogtihiin oo waxaynu nahay dal yar oo aan la aqoonsan oo aan lahayn saaxiib, marka laga reebo Itoobiya iyo Jabuuti oo ah laba waddan oo yar yar, balse waxaynu u baahanahay waddan magac iyo maal leh oo saamayn leh, Illaahayna waxa uu inoo keenay Imaaraadka Carabta oo ah waddan muslin ah, waxaana hortii saldhig ku lahaa oo iskaga danbeeyey Nato iyo Warsaw, sidaa awgeed haddii ay waddankeena inoo horumariyaan Imaaraadku maaha in aynu ku qaylino oo aynu cayno ee waa in aynu soo dhaweyno oo wax la qabsano, Insha Allaah wax badan ayeynu ka baran doonaaye”.

Comments are closed