|

Maxaa ka Jirra in Wasiir Maxamuud Xaashi Sucuudiga u tegay inuu Farmaajo kala Hadlo Saldhigga Millateri?

Makka 28. February 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ah Weftiga Imaaraadka u tegay soo gunaanadka heshiiska DP World ee la wareegidda Dekedda Berbera, ayaa intuu Safarkaa ku maqnaa gaadhay dalka Sucuudiga,  Cimraysina u tegay Xajka, isla markaana isla waqtigaa waxa dalkaa socdaal ku joogay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, oo sidaa si la mid ah isna booqday Bayd

Mareegaha Wararka Af-Soomaaliga qaarkood, ayaa faafiyay warar tegista Maxamuud Xaashi ee Sucuudiga ku xidhiidhinaya, inuu halkaa u tegay inuu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya, si uu ugala hadlo arrimo khuseeya Saldhigga Millateri ee Somaliland damacsantay inay Imaaraadka ka siiso Berbera, balse aanay u suuragelin.

Hase yeeshee, warkaasi ma lahayn xigasho toos ah, Wasiirka Madaxtooyadana mar aannu khadka isgaadhsiinta kula xidhiidhnay nooma suuragelin inuu naga qabto.

 

Geesta kale, farriin uu ku faafiyay Bartiisa Facebuugga kagamuu hadal arrintaas, balse wuxuu ku sheegay in ujeeddada uu u tegay ay ahayd Cibaadaysi. Farriintaasina waxay u dhignayd sidan; “Alle mahaddii waxaan Cimro ku tagey magaalada barakaysan Maka-almukarama, waa goob muuqaalkeeda oo keli ahi uu kuugu filanyahay Mucjiso, maalin kasta oo Cadceeddu soo baxdo waxaa guriga EEBBE galaa baxaya Malaayiin ka mida Makhluuqiisa, kuwaas oo waxa qudha ee ay ku midaysan yihiin ay tahay Caqiido iyo Iimaan, isku soo wada duuboo goobtani waa mid ka yaab iyo cibro badan toddobada Mucjiso ee dunida lagu sheegay.”

 

“Waxaan ALLE inooga baryayaa inuu galadiisa danbi dhaaf innagu siiyo, ALLAHAYOOW tubta toosan nagu hanuuni khaatumadana khayr noogu khatin. Allahayoow cadho waalid, carcaraaf aduun iyo cadaab aakhiro ayaanu kaa magan galnay. Waxaan ALLE inooga baryayaa inuu inaga soo jabiyo xaalada adag ee abaaraha. Halagu dadaalo isa saamaxa, sadaqada, iyo baryada EEBBE.” Sidaa ayuu Qoraalkiisa ku yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

 

Xigasho Wargeyska Ogaal

Comments are closed