|

Faysal Cali Waraabe Iyo Muuse Biixi Oo Warmo Siyaasadaysan Is Waydaarsaday, Gudoomiyaha Kulmiye Oo Soo Jeediyay In Doorkan Dalku U Baahan Yahay Hogaamiye Adag Iyo Gudoomiyaha Ucid Oo Sheegay Inaanu Dalku U Baahnayn Hogaamiye Umadda Dal Dalla DAAWO

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID,Ahna Musharaxa Xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi Muj Muuse Biixi Cabdi ayaa warmo siyaasadaysan isku waydaarsaday Madashii Habeenkii jimcihii Su’aalaha lagu waydiiyay ee ay isku keliyaysteen.

Waxa uu Muuse Biixi soo bandhigay in dadlku doorkan u baahan yahay Hogamiye adag oo go’aan qaadasho iyo Dhiiranaan leh,halka uu Faysal Cali waraabe hadalkaasi ganafka ku dhuftay,una arkay inuuu Muuse isagu iska hadlayo,waxa kale oo uu Faysal Cali Waraabe Xukuumadda ku dhaliilay ololaha ay Wasiiradda iyo Agaasimayaashu ugu jiraan Xisbiga Kulmiye.

Gudoomiye Muuse Biixi ayaa ugu horayn waxa uu si adag uga hadlay sida uu u arko dareenkiisa doorashada Madaxweyne ee Fooda inagu soo haysa,waxaana uu ku tilmaamay Doorasho Caqabado badani ku gadaaman yihiin,waxa kale oo uu sheegay inuu dalku u baahan yahay Hogaamiye adag,waxaana uu yidhi “Doorashada Maanta Soo socotaa waxay noqonaysaa mid Taariikhiya,27-kaasi sanadood ee aan xorta ahayn waxaan qabaa waa marxalad ka xasaasiyada xun wixii kale oo dhan,Waayo waxa Caalamka ka jira ee Inagu meersan ee Xasarado ah,ee siyaasadaha iswaajahaya ee Dagaaladda leh,iyo ololaha Colaada ah ee ka soo kacaya Xamar,Doorashadan maantu waxay u baahan tahay inaynu u fiirsano oo aynu helno dawlada aynu dhisaynaa inay noqoto mid adag oo inaga saari karta Duruufaha siyaasadeed ee Somaliland ku jirto,Somaliland maanta ayay ugu baahi badan tahay Hogaamiye adag oo dhiiranaan iyo go’aan qaadasho leh,oo ay kaga bixi karo Duruufaha soo waajahay”.

Dhinaca kale Hogaamiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo tixraacaya Hadalka ka soo yeedhay Muuse Biixi ee uu kaga hadlay hogaamiyaha doorkan dalku u baahan yahay ayaa waxa uu yidhi “Aduunka Laba (Strong Man) ayaa jira,Midi waa mid Aduunka laga baqo oo waa kii Afweyne oo kale,Midna Waa ka la Ictiraafo,Ee La Xushmeeyo,Markaa Nin adag uun looma baahnee,mid aan laga baqin oo aan dadka del delin oo sharciga ilaaliya ayaa loo baahan yahay,taasi waan la qabaa”.

Isagoo sidoo kale ka hadlaya Dareenkiisa ku aadan doorashada Fooda inagu soo haysa ayaa waxa uu yidhi “Intaa aan joogay ee aan doorasho soo marnay,Doorashadaa maanta iyo Qarankeenaba mid aan uga wal wal badanahay horta majirto,Riyaale Afar Doorasho ayuu qabtay,Afartaasiba Ceesaani inagabamay dhiman,Kulmiye Mid ayuu qabtay,tii ugu Xumayd ee Doorasho inasoo martay ayay ahayd,Illaahay ayaa inakala bad baadiyee,Khatar ayaynu galnay,dadna way ku dhinteen oo Xaqsoor inta ka dhimatay waad garanaysaan,Maantana Nabadgalyada waxa gacanta ku haya Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi,Waxa sidoo kale ku haya Dawlada”.

Waxa kale oo uu yidhi “Dawladii iyadoo wali meesheedii joogta ayay la safatay Muuse Biixi,Waxay siinaysaa Baabuurtii, Agaasimayaashii ayaa ordaya,Wasiiraddii ayaa ordaya,Caddaani ayaa ka hadlaya Tv-yadii, wasiirku waa inuu shaqadiisa qabsadaa,Xiitaa Agaasimayaashii ayaa noqday Siyaasiyiin, Waxaan ku idhi,waar ma looxul Maxfuudka ayaad ka akhrideen inuu Muuse Biixi Soo Baxayo, Bilee anigu soo baxaa”.Ayuu hadalkiisa ku soo koobay

Comments are closed