|

Fiisaha Dal ku Galka Mareykanka oo Lagu Adkeeyay Lixdii Dal ee Xayiraadu saarnayd & Shuruudaha Cusub ee Laga rabo Qofkii Tegaya Marakaynka

Washington 29. June 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay billowdo fulinta xeerar dadka kasoo jeeda lix dal oo muslim ah ee doonaya dal ku galka Mareykanka uga baahnaanaaya inay qaraabo dhow ama xiriir ganacsi kala dhaxeeyo Mareykanka, si loogu ogolaado inay dalka soo galaan.

Qoraallo ay arkeen wakaaladaha wararka AP iyo Reuters, balse aan si ramsi ah loo shaacin ayaa qeexaya habka ay tahay in qunsuliyadaha Mareykanka ay ula macaamilaan codsiyada dal ku gal, ee dadka kasoo jeeda dalalka Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria iyo Yemen.

Xiriir qoys ee la ogol yahay waxaa ka mid ah in Mareykanka ay kuu joogaan waalid, xaas, caruur, wiilkaaga, gabadhaada, wiilka ama gabadha aad soddogga u tahay ama walaal, si laguugu ogolaado inaad soo gasho.

Xiriirada qoys ee aan la aqbali doonin waxaa ka mid ah awoowe, ayeeyo, wiilka aad eyeeyada ama awoowaha u tahay, eedo, adeer, wiilka ama gabadha walaalkaa dhalay, seedi, dumaashi iyo saaxiib jaceyl.

Xiriirada ganacsi ee la aqbali karo waa kuwa leh dokumenti ramsi ah, lamana ogolaan doono kuwa la doonayo in looga dhuunto amarka mamnuucis ee madaxweyne Trump.

Comments are closed