|

Gabdho Soomaaliyeed Oo Dalbaday In La Toogto Ama Magan Galiyo La Siiyo Iyo Waxaa Ay Qoonsanayaan DAAWO

Muqdisho 23. June 2017 (SDN/QJ):-Kadib markii haween ka tirsan ciimada Seerdija ay shaqadii ka ruqseysay ayaa waxaa baaqyo cabasho ah ka soo saaray haweenkii ay saameynta ku yeelatay shaqadaasi laga fadhiisiyay.

Haweenkan askarta ah oo da’kasta iyo daraja kasta leh ayaa dawlada Soomaaliya go’aan ku gadhay inaanay ka sii mid ahaaneynin ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, kuwasi oo gabi ahaanba laga ruqseeyay ciidamada Seerji Two.

 

Haweenkan oo banaan-bax nabadeed oo ay dareenkooda ku cabirayaan ka sameeyay gudaha magaalada Muqdisho ee xarunt dalka Soomaaliya.

 

Haweenkan oo warbaahinta la hadlay ayaa dawlada ugu baaqay inay ama toogato amase beesha calamku nabad-galiyo siyaasadeed ay siiso waxaanay yidhaaheen iyaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Anaga oo ah haweenkii xooga ciidanka dalka Soomaaliyeed, kuna dhimanay kuna dhaawacanay, ku naafownay, ku shihiidney, asay u qaadney ragayagiina u hureen dhiigoodi iyo dhaawacoodi badbaada qaranka Soomaaliyeed, waxaa nala yidhi waxaad tihiin ruqso, dawlada Soomaaliyeed waa ay na diiday ee beesha caalamka waxanu ka codsanaynaa in magan galiyo siyaasadeed ay noo fidiyaan anaga iyo caruurtayadaba, hadii kale dawlada Federalku hana toogto”

Comments are closed