|

Somaliland Maxay ka Tidhi Diyaarado Dagaal oo Duqaymo ka geystay Gobolka Selel? “Qumacyadii baannu geynaynaa Jabuuti” DAAWO

Hargaysa 23. June 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay baadhitaan ku waddo Diyaarado Duqaymo ka geystay habeennadii u dambeeyey deegaanno kala duwan oo ka tirsan Dhul-daaqsimeedka iyo Xeebta Saylac ee gobolka Selel, kuwaas oo aan weli si rasmi ah loo aqoonsan dawladda ama dalka leh.

Diyaaradahaas duqaymaha geystay oo Cabsi iyo argaggax badan ku abuuray Bulshada ku dhaqan gobolka Selel ee Somaliland, ayaan weli la soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay. Hase-yeeshee, waxay laayeen Xoolo-nool, oo Geel ka mid yahay, sida uu Warbaahinta u sheegay Badhasaabka gobolka Selel.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Somalliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, oo Telefeeshinka Bulsho wax ka weydiiyey waxay dawlad ahaan kala socdaan Duqaymahaas Diyaaraduhu geysteen, Khasaaraha ka dhashay iyo in weli ay aqoonsadeen Dalka laga leeyahay Diyaaradahaas, ayaa sheegay in Qumacyada Rasaastii ay rideen la ururiyey oo baadhitaan lagu wado, dhawaanna loo qaadi doono waddanka Jabuuti, oo la rumaysan yahay inay Diyaaradahaasi ka soo kaceen Saldhigyo Millateri oo dawlado kala duwani ku leeyihiin Jabuuti.

 

Haddaba, Waraysiga kooban ee uu Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Duqaymaha Diyaaradahaas iyo baadhista ay wadaan kaga hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan hoose ee ka Bogasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed