|

Galmudug oo Goordhow ku dhawaaqday Go’aan lama filaan ah

Gaalkacayo, 29 September, 2016-(SDN/QJ) –Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay inuu xiran yahay Garoonka Magaalada Gaalkacyo ee C/llaahi Yuusuf.

garoonka-1Garoonka oo fariisin u ah ciidamada gaarka ah ee Puntland iyo saraakiil Mareykan ah ayaa Galmudug ay sheegtay in looga soo duulay weerarkii lagu laayay askarteeda oo ku sugnaa xarunta degaanka Jeexdin.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Mareykanku sheegtay inuu weerar ku dilay 9 ka tirsan kooxda Alshabaab oo ku sugnaa duleedka Gaalkacyo. Arrintan ayaa xiisad ba’an ka dhalisay degaanada Puntland.

Amarka ay Galmudug ku xiray garoonka Gaalkacyo ayaa loogu digay diyaaradaha inay u soo dhowaan garoonkaasi. Arrintan ayaa uga sii dareysa xaaladda kacsan ee ka dhex oogan Puntland iyo Galmudug.

Dhinaca kale bannaanbaxyo looga horjeedo Mareykanka ayaa ayaa ka dhacay degaanada Galmudug, iyadoo lagu gubay calanka Mareykanka.

Comments are closed