|

Ganacsade soo dhaweeyay Balaadhinta Dekadda Berbera ee Heshiiska lagula Galay Shirkada Dubai World Port Iyo Dareenka Bulshada ee Fulinta Heshiiskan

Hargaysa,12,May 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah ganacsatadda   Somaliland ee badeecadaha kala soo dega waxna ka dhoofiya  dekadda  magaaladda  Berbera ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiska hor-dhaca ah ee lagu balaadhinayo  dekadda ee ay wada gaadheen xukuumadda Somaliland iyo shirkadda caalamiga ah ee Dubai World.

Dekeda BerberaGanacsade Cali Ibraahim Ciise, oo ka mid ah ganacsadda waa weyn ee badecadaha kala soo dega kana dhoofiya xoolaha marsada Berbera ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay mid faa’iido weyn u leh ganacsatadda iyo dalkaba, isla markaana ay  taasi meesha ka saarayso cidhiidhi badan oo ay ku qabaan dekadda marka ay maraakiib badani ku soo xidhaan.

Waxaanu sheegay in balaadhinta dekadda Berbera ay wax badan ka tari doonto in maraakiib badani  ay mar keliya ku soo xidhaan, taasi oo keeni karta in labadda hawlood  ee dejinta iyo rarista   xoolaha iyo waxyaabaha kale ay is-bar-bar socon karaan.

Ganacsade Cali  Ibraahim Ciise,  oo ka hadlayay  faa’iidadda ganacsato ahaan ugu jirta  heshiiskaasi  waxa uu yidhi “Heshiiskani  anigu waxaan u arkaa heshiis midho-dhal ah, oo ganacsatadda iyo dalkaba faa’iido u leh, maadaama oo   dekadii la balaadhinayo, oo dadkii shaqo loo abuurayo, oo ganacsi kale ayaa la soo kordhinayaa, maadaama oo ay dekadu yarayd, oo aanay qaadi karaynin ganacsiga badan ee Itoobiya la gaynayo, laakiin imika marka la dhiso waxay qaadi karaysaa, ganacsiga Itoobiya la gaynayo iyo meelaha kaleba”.

Waxa kale oo uu sheegay ganacsade Cali in ganacsatadda wax ka dhoofiya dekadda Berbera iyo kuwa badeecadaha kala duwan kala degaba  ay cidhiidhi badan ku qabaan  gaar  ahaan marka  ay maraakiib badani ku soo xidhaan, hase yeeshee hesbhiiskani ay xukuumadu la gashay shirkadda Dubai World ee lagu baaldhanayo dekadda uu wax badan ka beddeli doono cidhiidhigii ay ku qabeen. “Way jirtaa dhibaato ay ganacsatadu ku qabaan dekadda, waayo dekadu way yar tahay, waxaanay qaadi kartaa maraakiib yar.   Marka  ay maraakiib badani soo joogsadaan dekadda, saf dheer ayaa loo galaa, cidhiidhi ayay  dekadu noqotaa maraakiib badanina way timaadaa.

 

Xoolaha waa in meel kale loo sameeyaa, dejinta  alaaboyinka ayaa la joojiyaa marka xoolaha la rarayo, markaa dhibaato weyn ayaa lagu qabaa. Haddiise la balaadhinayo waxay noqonaysaa, in aan wax la dejinayo la furin, xoolaha la rarayona aan la odhan manta meel la idiinma hayo. Xoolaha waan dhoofiyaa, badeecadahana waan soo dejiyaa, qoladan shiidaalka ka ganacsatana waan ahay”.

Waxa   uu tilmaamay ganacsade Cali  Ibraahim Ciise, in ay ka ganacsato ahaan soo dhawaynayaan wax dhibaato ahna u arag   qodobka ah in marka uu dhamaystirmo heshiiskani  in ay  dekadda   wada maamulayaan shirkadda Dubai World iyo xukuumadda Somaliland. “Anigu uma arko wax dhib ah, haddii la wada maamulayo dekadda, ninka hantidiisa gelinayaa xaq buu u leeyahay in uu ila maamulo, oo sidii wax ku hagaagayaan ayaa la yeelayaa.  Waxaan is-leeyahay, markii hore ganacsiga Itoobiya may  qaadi karayn dekadu oo waa  intii la dhisay xiligii dawladii Siyaad Barre ayay ahayd, maanta marka  la balaadhiyo, Itoobiya iyo Soomaaliya, meel walba wax baa looga soo dejin karaa, oo dekad weyn oo caalamka ku xidhanta ayay noqonaysaa.

Dadka  reer Berbera-na shaqo ayaa uga kordhaysa, ganacsatadana waxaa uga kordhayaa inay badeecado badan soo kordhiyaan oo intan imika boqol laabkeed ayaa imanaysa” ayuu yidhi Cali Ibraahim Ciise oo shalay u waramayay BBC-da.

Dadweynaha Somaliland, ayaa Gudo iyo dibadba aad isha ugu haya Heshiiska Dawladda Somaliland la gashay Shirkadda Dubai World Ports, waxayna eegayaan sida uu u fulo iyo hannaanka loo maamulo Lacagta lagu sheegay Xaqul-qalinka ee Cadadkeedu dhan yahay $ 15-ka Milyan ee Dollar Iyo waliba lacagta boqollaalka Milyuun ah ee uu ku kacayo Heshiiska Maalgelineed ee Dekedda Berbera.

 

Inkasta oo Xisbiyada Mucaaradka ah qaarkood durba dhaliileen Heshiiskan, ayaa haddana Dadweynuhu eegayaan sida loo Maamulo Maalgeshigan, Maaddaama oo Dalka iyo Dadku baahi u qabaan maalgalin laga dhaxlo horumar Muuqda oo  lagu kobciyo Kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.

 

Waxaana xusid mudan, haddii Heshiiskan la mariyo Dariiqa Sharciga ah isla-markaana Lacagta Xaqul-qalinka ah lagu hubsado Qasnadda Dawladda, Boqollaalka Malyuun ee Maal-geshiga Dekeddu ku kacayana si Cad loo Maamulo, waxa la saadaalin karaa horumar dhaqaale oo la Mahadiyo, Waxaana Taas laga filan karaa fulinteeda Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Comments are closed