|

Ganacsade Yaasiin Guuleed Qaraami oo Magaalada Burco ka wada Olole lagaga soo hor jeedo Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumada Siilaanyo

Burco 31. Decembar 2015 (SDN/QJ):-Ganacsade Yaasiin Guuleed Qaraami oo ka mid ah Ganacsatada Somaliland ee Shiidaalka Gaar ahaan Gobolka Togdheer ayaa Mudooyinkii u danbeeyay Waxa uu ka waday Magaalada Burco olole ka dhan ah Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye iyo Xukuumadda uu Gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.

Ganacsade Yaasiin Qaraami oo ka mid ahaa Xubnaha Ganacsatada ah ee Xidhiidhka dhow la leh Xukuumadda Isla markaana ka mid ah Ganacsatadii Saamiga laga siiyey Maamulka Kaydka Haamaha Shiidaalka ee Berbera ayaa Gurigiisa Magaalada Burco waxa uu Shalay ku qabtay Kulan ay ka qayb galeen Odayaal iyo Xubno ka tirsan Mucaaridka kana mid yahay Siciid Xaaji Axmed Qulunbe Isla markaana ay Goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah Bulshada Magaalada Burco ee Bariga Iyo Galbeedka ayaa Wararku sheegayaan in lagaga hadlay Sidii ay Taageero buuxda ugu Muujin lahaayeen Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Ganacsade Yaasiin Guuleed Qaraami oo Kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in iyadoo la eegayo danaha gobolka ay waajib tahay in loo midoobo sidii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigeeda Kulmiye looga tashan lahaa in aanay Mar kale ku soo noqon Hogaaminta qaranka iyadoo uu Wixii Horumar ka Socday Gobolada dalka ay u Wareejisay Gobolada Galbeedka “Waxaan Maanta idiin Sheegayaa in baahi aynu u qabno in talada qaranku Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu ku soo noqon Waa in aynu ka tashanaa Isla markaana Taageernaa Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo aan u arko kii badbaadin lahaa dalka,Waxaa kale oo aynu la soconaa in Horumarkii Togdheer Higsanaysay iyo kuwii Gobolada barigu rabeen laga qadiyey lana siiyay Xaqoodii Gobolada Galbeedka dalka” ayuu yidhi Ganacsade Qaraami.

Waxaa kale oo Ganacsade Yaasiin Qaraami uu baaq u diray Bulshada Ku Nool Magaalada Burco “ Walaalayaal Waxaynu Maanta la inooga baahan yahay inaynu isugu nimaadno Shir ay u dhan yihiin Bariga iyo Galbeedka Burco kaas oo Weliba Wixii dhaqaale ah ee Ku baxaya anigu aan Mas’uuliyadiisa qaadayo Waa in aynu ka tashanaa Sidii Xisbiga Waddani u Guulaysan lahaa,Ma eegan karno Xukuumadan iyo Xisbigeeda”.

Siyaasi Siciid Xaaji Axmed Qulunbe oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa soo dhaweeyay Hindisaha uu la yimid Ganacsade Yaasiin Guuleed Qaraami oo uu sheegay inuu ka damqaday Maamul Xumida dalka ka jirta,Waxaa kale oo uu Xusay in Xisbi ahaan ay Taageersan yihiin Baaqiisa.

Comments are closed