|

Garabka Jaamal Cali Xuseen oo ka Digay Dib u dhac uu Sabab u yahay Gudoomiye Faysal oo ku Yimaada Shirweynihii Xisbiga Ucid

Hargaysa,31.July 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf ayaa ka digay Hagar daamooyin uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku hayo dhaqan gelinta Go’aanadii ka soo baxay Gudida diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada qaranka ee Ku Saabsanaa Dacwadii Khilaafka Xisbiga Ucid.

Cali Guray ayaa sheegay in Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ilaa haatan aanu soo magacaabin Gudidii Qabanqaabada Shirweynaha Ucid oo loo qaybsaday si is le’eg.

Qoraalka Cali Guray ayaa u dhignaa Sidan:-

Ku: Gudoomiyaha Gudida Diiwaangelinta &

  1. S Xisbiyada

Og: Gudoomiyaha Xisbiga UCID

Og: Musharaxa Jagada

Madaxwaynaha Xisbiga UCID

Sumad: Gx-3/05/16

Ujeedo: Dhamaystirka Xubnaha Gudida  Qabanqaabada

Mudanayaal;

Tixraac warqadaydii hor ee sumadeedu ahayd Gx-3/04/16 ee ku taariikhaysnayd

27/07/2016(lifaaqa). Ilaa iyo maanta oo 10 maalmood laga joogo markii uu soo baxay Go’aankii Gudida Diiwaangelintu ka soo saartay Dacwadii Khilaafka UCID 21/07/16 weli magacaabistii Gudida Qabanqaabada ee min 5ta xubnood ahayd may dhamaystirmin sababtana waxa iska leh Gudoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Xuseen.

Waxa noo cadaatay in xubnaha rasmiga ah ee xisbiga iyo guud ahaan bahwaynta UCID ay si wayn u soo dhaweeyeen Go’aankii Gudida Diiwaangelinta Ururada/ Kala Saarista Xisbiyada una arkayaan xalka, gaar ahaan shirwaynaha aan caadiga ahayn hadii uu ku qabsoomo mudadii 45 cisho ahayd ,sida ku cadayd Go’aanka Gudida.

Cali GurayHase ahaato eh Gudoomiyaha Xisbigu isaga oon inaba wax la tashi iyo tixgelin ah siinin dhinicii uu isagu ku matelayay Heshiiskii Midnimada UCID ee hore labada dhinac u galeen 12/07/2012, oo haatan laga joogo muddo afar sanadood iyo maalmo ah waxa nasiib darro ah Gudoomiye Faysal mawqifkiisa horseedi kara burburka Xisbiga UCID maadaama uu ka hor yimi Go’aankii Gudida isaga oon hadana ka qaadanin racfaan oo uu xaq u lahaa inu ka qaato hadii uu ku qanci waayay Go’aanka Gudida.

Inta badan dhinacii uu metalayay Gudoomiyuhu iyo xubnihii Golaha Dhexe ee Shirwaynihii 3aad lagu ansixiyay kuma raacsana mawqifkiisa ogol-diidanka ah ee xal diidka ah waayo waxa cad inu wakhti lumis uun yahay si aanu u qabsoomin Shirwaynuhu ee u fashiliyo.

Sidaa daraadeed hadii aanu Gudoomiyuhu meel cad iska taagin Go’aankii Gudida Diiwaangelinta oo aanu ogolaan soona magacaabin xubnihii dhinaciisa ee Gudida Qabanqaabada ama aanu rafcaan ka qaadanin hadii aanu ku qancin waxanu ku qasbanahay in dhinacii UCID ee heshiiskii Midnimada UCID, inta ogol diyaarkana u ah badbaadinta Xisbigooda ay dib isugu noqdaan oo iyagu soo magacaabaan shan xubnood oo Gudida Qabanqaabada ah oo weliba aanu jecelnahay in ay dhamaantood noqdaan xubnihii Golaha Dhexe ee Shirwaynihii xisbigu ansixiyay waayo Gudoomiyuhu dhinacii UCID wuxu ka ahaa uun qof keligiina xaq uma laha in uu taladooda maroorsado.

Tan kale, waxa laga yeelayo mustaqbalka Gudoomiyaha 14 sanadood soo hogaaminayay xisbiga labada fursadoodna la siiyay inu musharax Madaxwayne ka noqdo Xisbiga ee labadiiba guul keeni waayay waxay u taalaa dhinicii UCID ee heshiiskii 12/07/2012

Ugu dambaystii waxanu Gudida u sheegaynaa in dhinacayagu aqbalay Go’aankii Gudida diyaarna u nahay in sidii uu ahaa u fulino dhamaan qodobadiisii, Gudoomiyuhu ama ha ogolaado ama ha diido eh. Waayo Gudoomiyuhu ma hayo xal badiil ah oon ahayn burburka Xisbiga UCID taas oon UCID xisbi ahaan aqbali karin.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Gudoomiye xigeenka 3aad

Cali Maxamed Yussuf

Comments are closed