|

Diyaarad Xamuul Sida oo Xili Saq Badh Habeenimo ah Soo Cago Dhigatay Madaarka Cigaal International Airpote ee Hargaysa DAAWO

Hargeysa 26.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi iyo Saraakiil kale ayaa Shaaciyey in Hada wixii ka danbeeya ay Diyaaraduhu Xiliga habeenkii ka soo degi karaan Madaarka Cigaal ee Caasimada Hargaysa.

zzzzHadal kooban oo ay saxaafada ku siiyeen goobtaas ayaa waxa ay baaq ugu direen Diyaaradaha Adeegsada Madaarka Hargaysa iyo kuwa aan Adeegsanba, in ay ku soo dhiiradaan sidii ay u isticimaali lahaayen Habenkii Madaarka.

Agaasimaha Guud ee Duulista Cumar Zayid oo ugu horaya faahfaahin ka bixiyey qaabka ay u degtay Diyaaradu ayaa yidhi:-“ Caawa oo ay Taariikhdu tahay 25.08.2016 Saacadu aya tahay 3:50 AM, waxaa Gagada Diyaaradaha ee Hargaysa ka soo degtay Diyaarad AN 24 oo ka soo kacday Dalka Itoobiya ee garana haan Caasimada Dalkaas Adisababa, oo Dad Muwaadiniin Reer Somaliland ah Allaab u siday Diyaaradaas si Nabad ah ayey u soo fadhiisatay, Halkan waxaa ku sugan Wasiirkii cusubaa ee Wasaarada Duulista Farxaan Aadan iyo Agaasime Siciid Mahdi Ileeye, Maamulaha Madaarka Maxamed Yuusuf iyo Hawlwadeenadii Madaarka, dhamaan waxaanu ku faraxsanahay, In Madaarka Cigaal International Airport uu diyaar u yahay in Habeenkii la Adeegsan karo, oo Duulimaadyadu ka kicikaraan iyo Maalintiiba.”

Wasiirka Duulista oo fariin dhiiri galin ah u diraaya Diyaaradaha ayaa yidhi:-“Runtii farxadweyan ayey noo tahay iyo qiimo weyan, in ay caawa suuro gasho horrena Adeega suuro galinaaya in Diyaaraduhu habeenkii ku dagaan Madaarka loo suuro galiiyey, Cawana tijaabo fiican aya u tahay, anaga oo ku dhiiri galinayna Diyaaradaha, kuwa nala shaqeeya iyo kuwa kaleba, in aanu sii tayeyan doono, in ay habeenkii shaqadu ay suuro gasho, oo caawaba aad arkaysaan sida agaasimuhu sheegay Diyaarada Saacadaa soo degtay, sidaa Agaasimuhu sheegay, waxa kale oo muhiim noo ah oo aan u mahad celinayaa, Madaxda iyo Saraakiisha kala duwan ee Wasaarada, min Agaasime Guud ilaa waaxyaha, ilaa Maamulaha Madaarka, ilaa shaqaalaha u hooseeya, ee Saacadaas heegan u ah in ay suurto galiyaan, in Diyaaradaasi agabkaas ay keentay loo fudeediyo Muwaadiniintii lahayad.”

Comments are closed