|

G/Kuxigeenkii kowaad ee xisbiga UCID UK, Xuseen Aadan Cige(Maka) iyo tageerayaal badan oo kusoo biiray xisbiga Waddani xaflad ka dhacday Bariga London.

london 31March16(SD/QJ)waxa Bariga magaalada London lagu qabtay xaflad balaadhan Oo lagu Soo dhaweynaayey tageerayaal kasoo diga-rogtay Xisbiga Ucid  Oo uu hormuud Ka ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Xisbiga UCID ee dalka UK Xuseen Aadan Cige(Maka) Oo ay ku weheliyeen Dhalinyaro iyo haween ayaa Waxa xaflada Oo ay goob-Joog Ka ahaayeen madaxda Xisbiga Waddani ee qaarada Yurub Gaar ahaan UK .16


Kulanka oo ahaa mid aad looga Soo qayb galay ayaa ahaa mid Xisbiga Waddani uu tageerayaal ku kasbaday muhiima Oo wax badan Ka qaban kara Dalkan UK.15

Kulanka Waxa kale Oo lagaga hadlay dhibaatada abaaruhu ku hayaan Somaliland Sidii Loo caawin lahaa Oo Xisbiga Waddani uu  kow ka yahay,kuna dedaalaayo sidii uu tageero muuqda u gaadhsiin lahaa,Waxa kale Oo aad looga dooday dib u dhigista Diwaangalinta.arimaha xisbiga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa.Kulanku Waxa uu kusoo dhamaaday si wacan.17



Salaanmedia/London1 23456
9

Comments are closed