|

Gobolka Sanaag oo Barri ay ka billaaban doonto Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Somaliland

diiwaan

Ceerigaabo,15,7,2016 (QJ/SDN) – Diiwaan-gelintii Cod-bixiyeyaasha ayaa Sabtida berri ah ka billaaban doonta Gobolka Sanaag oo ah Gobolka ugu balaadhan Gobollada Somaliland.

Gudoomiyeyaashii xisbiyada, guddida doorashooyinkii, xukuumaddii oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland – Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici iyo Taliyeyaashii Ciidanka kala duwan ee Somaliland ayaa iskugu wada tegay xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Munaasibadii lagu daahfurayey diiwaangalinta codbixiyeyaasha Sanaag ayaa ka dhacday beerta xoriyadda ee magaalada Ceerigaabo, waxaana iskugu yimid odayaasha, waxgaradka, madax dhaqameedka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaanay madaxdii madasha ka hadashay ku booriyeen inay si wadajir ah ugu soo baxaan qaadashada kaararka Diiwaan-gelinta, isla markaana u muujiyaan Cududoodda, maadaama oo Gobol waliba ku tartamayo tiro badnaanshaha dadkiisa si loogu xisaabtamo doorashooyinka soo socda.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, gudoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo madaxweyne ku xigeenka C/Raxmaan Saylici, ayaa dhamaantood iska daba maray baaq ay dadweynaha gobolka Sanaaag u jeedinayaan, waxaanay ku booriyeen in kaadhka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaashu tahay xuquuqdoodii Aasaasiga ahaa oo Muwaadinku qofka uu rabo ku dooran doono, isla markaana mustaqbalkiisa saamaynaysa.

Sidoo kale, maamulka gobolka heer gobol iyo heer degmo ayaa iyaguna gobolka Sanaaag u soo jeediyay inay qaataan kaararka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, si ay ula Tartamaan goboladda kale oo tartan ka dhexeeyo, iyadoo la ogaa gobolada kale mid waliba doonayey inuu muujiyey tiradda dadkiisa iyo awooda uu yeelan karo maalinta codeynta oo musharax walba ku qasbanaan karo gobolka tirada dadka badan iska diiwaan-geliyey si uu u kasbado.

Dhinaca kale, labadda xisbi ee KULMIYE  iyo WADANI oo xafiiltan hoose ka jira ayaa si hoose uga dhex wada olole siyaasadeed iyo dhoolatus uu mid walba ka kale tusayo awooda uu Gobolka ku dhex leeyahay, iyagoo maalmihii ay safarka ku socda Degmooyinkii ay soo mareeyeen soo dhaweyno xad-dhaaf ah oo u muuqday olole ka sameeyey Degmooyinkii ay safarka ku soo mareen.

Ugu dambeyntii, Guddiga Doorashooyinka iyo Gudiga Anshaxa Hab-nidaamka Diiwaan-gelinta ayaa hore usoo jeediyey in xisbiyadu aanay la iman karin goobaha Diiwaan-gelintu ka socoto wax muujinaya olole siyaasadeed, maadaama oo aan la gaadhin waqtigii ololaha, balse dheg jalaq uma siin amaawiirtaasi, Waxaana hoosta-ka-wadaan ololahooda Hoose ee Dhoollatuska u badan, Waxaana la eegi doonaa Tallaabooyinka ay qaadi doonaan Guddida doorashooyinka.

Comments are closed