|

Golaha Guurtida Oo Duuduub Ku Ansixiyey Xeer Khuseeya Doorashada Madaxtooyada oo Cadaynaya In Codbixiye Kastaa uu Ka Codaynayo Goobtii uu Iska Diiwaangeliyey ee uu Kaadhka Ka qaatay DAAWO

Hargaysa 09. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa duud-duub ku ansixiyey Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka, ka dib markii Toddobaadkii hore Golaha Wakiilladu meel-mariyeen.
Xeerkan oo ka hadlaya Hab-raaca Doorashada iyo sida Goobaha Cod-bixiyeyaashu Codkooda ka dhiibanayaan, ayaan Xildhibaannada Golaha Guurtidu ka doodin, balse ay duu-duub ku ansixiyeen.
Qodobbada Xeerka la ansxiyey ayaa waxa ka mid ah ‘in Cod-bixiye kastaa uu ka codeeyo Goobtii uu iska diwaangeliyey ee uu ka qaatay Kaadhka Cod-bixinta’, laakiin Xildhibaannada diiday in sidaa lagu ansixiyo, ayaa sheegay inay doonayeen in Qodobkaa lagu beddelo ‘in Qofku meesha uu xilliga doorashadu dhaceyso jooga uun ka codeeyo’, maaddaaama oo ay Xilligan Somaliland ka jiraan Abaaro isla-markaana Dadka badankiisu aanay joogin goobihii ay iska-diwaangeliyeen.
Xildhibaannada soo jeediyey in Wax ka beddel lagu sameeyo Qodobka Goobta Qofku Codka ka codeynayo, ayaa waxa ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg).

Comments are closed