|

“Socdaalkii Dheeraa ee Soo Nooleynta Qaranka Soomaaliyeed ee Madaxwaynaha Xiligiisu Dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud” & Muuqaal Xiiso Leh DAAWO

Muqdisho 09. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Sanadkii 2012-kii waxay Soomaaliya gashay isbedel Taariikhi ah oo soo socday afartii ee la soo dhaafay, waana markii uu xilka madaxweynaha dalka la wareegay Xasan Shiikh Maxamuud ka dib loolan adag oo ugu dambeyn loogu doortay xilkaas.

Sababihii guushiisa waxaa ugu waaweynaa lixda tiir ee uu qorshihiisa doorashada ku saleeyey kuwaasoo kala ahaa amniga, dhaqaalaha, garsoorka, dowlad dhiska, dib u heshiisiinta iyo weliba qaar kale.

Berigaas waxaa dalka intiisa badan maamulayey kooxda Al-Shabaab, iyadoo lagama maarmaana ay aheyd in la helo qorshe dalka looga saarayo kooxdaas si dhibka looga dulqaado bulshada waxaa la bilaabay qaadista soddomeeyo isbaaro oo yiilay jidadka magaalada Muqdisho.

Waxaana xigay howlgalo waaweyn oo Al-shabaab looga saaray degaano badan, waxaa la kordhiyey tirade iyo tayada ciidamada, waxaana la sameeyey ciidamo gaar ah oo ka hor taga weerarada argagaxisada, laamaha amaankana waa la xoojiyey.

Comments are closed