|

Golaha Wasiirada oo Taageeray Xeerkii dhawaan lagu Meel-mariyay Hanaanka Doorashada 2016

wasiirada

Muqdisho, 26,5,2016 (QJ/SDN) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, ayaa waxay kusoo dhaweeyeen Go’aankii Madaxweynaha DF uu ku Meel-mariyay dhawaan Hannaanka Doorashada dalka ee sannadkan 2016-ka, iyagoo Sidoo kalena ka Hadlay Fatahaadaha ku dhuftay Baladweyne, isla markaana Meel-mariyay Danjirayaal cusub oo la magacaabay.

Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Amniga Somalia, Daa’uud Maxamed – ayaa ka Warbixiyay xaaladihii u dambeeyay ee amniga Dalka, isagoo sheegay in laamaha Amaanku ay qaadeen Tallaabooyin lagu sugayo Amniga Caasimadda iyo Gobollada Dalka, si looga hortago falal Argagixiso oo laga geysto inta lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan ee soo foolka leh.

Sidoo kale, Wasirrada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Beeraha Somalia ayaa iyaguna ka warbixiyay dhibaatooyinka xilligan haysta shacabka ku nool gobolka Hiiraan, kuwaasoo ka dhashay Fatahaada uu sameeyay Webiga Shabeelle qaybta uu ka maro Gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa xusay in xaalad adag ay ka taagan tahay Baladweyne, isagoo intaas ku daray in Wasiiro ka tirsan Dowlada Somalia ay gaareen si ay qiimeyn ugu sameeyaan dhibaatada. Isagoo sheegay in Hay’adaha Gargaarka ay kala hadleen sidii Gobolkaas loo gaarsiin lahaa Gurmad deg-deg ah.

Dhanka kale, Wasiir-u-dawlaha waxbarashada, C/llaahi Bile Nuur, ayaa isagana sheegay in Maalinta Sabtida ah ee soo socota ay bilaaban doonaan Imtixaannaadka Guud ee dugsiyada Sare ee dalka, waxayna wasaaraddu xustay dhamaan daladaha ka jira dalka iyo wasaaraddu inay ku mideysan yihiin Imtixaanka guud. Isla markaana lagu qaban doono in ka badan 64-xarumood oo ku kala yaala Caasimadda iyo Gobollada Dalka.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu Shir-gudoominayay Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa lagu Meel-mariyay Siyaasadda Qaran ee Jinsiga (Gender-ka), Waxaana Golaha Warbixin ka siisay Arrintan Wasiirada Haweenka Xukuumadda Soomaaliya, Sahro Maxamed Cali Samatar oo Sheegtay in Sharcigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay ilaalinta Xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirada, ayaa ka dooday soo jeedin ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ahayd in Xubnaha kala ah; Yuusuf Garaad Cumar, C/wahaab Macallin Maxamed Xaaji Aadan iyo Cabdi Aadan Diiriye loo magacaabo Danjirayaal, iyadoo Dood Dheer kaddibna ay Golaha Wasiirradu isku raacay in loo magacaabo Danjirayaal buuxa.

Ugu dambeyn, Golaha ayaa si weyn u soo Dhaweeyey xeerkii Madaxweynaha DFS, Xasan Sh. Maxamuud uu ku Meel mariyay Hannaanka Doorashooyinka Dadban ee Dalka ka dhici doona Sannadkan 2016 ka.

Comments are closed