|

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo Guddi u saaray Wax ka-qabashada xaalada Beledweyne

Muqdisho, 26,5,2016 (QJ/SDN) – Iyadoo ay isa soo tarayaan dadaalada loogu jiro sidii loo Caawin lahaa Dadka ku barakacay fatahaadda iyo dagaallada magaalada Beledweyne, ayaa waxaa jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Guddi u saaray sidii kaalmo deg deg ah loola gaari dadka dhibaateysan.

Xildhibaaan C/qaadir Sheekh Xanafi oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka, ayaa HOL u sheegay in illaa hadda la isla gartay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu Gurmado Dadka ku Dhibaateysan Magaalada, isagoo intaa raaciyay in 61 xildhibaan isku taageen sidii Deg-deg  arintan wax looga qaban lahaa.

“Runtii xiriirro kala duwan ayaan sameynay hay’adaha Calamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah intaba arintan waan kala hadalnay, siddoo kale waxaa jira guddi xildhibaano Baarlamaanka ka Tirsan Arrintaan u saareen – Kuwaas oo isla gartay in sida lugu Dhaqsiyaha badan looga jawaabo baahiyaha ay qabaan shacabka ay fatahaada iyo dagaalladu saameeyeen” ayuu yiri xildhibaan Xanafi.

Xildhibaanka, ayaa sheegay in Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka arintan si dhaw ula socdaan, isaga oo dhinaca kalana dhaliilay doorka Dowladda Federaalka Somalia ee la xiriira ka jawaabista Marxalada adag ee ka jirta Beledweyne.

“Waxaan is leenahay dowladda waa ay ka gaabisay doorkii looga baahnaa, dadku waxaa ay marayaan xilligii ay ugu baahida badnaayeen inay helaan gargaar lala gaaro, Sidaa Awgeed waxaan ku dhaliileynaa Dowladda dhexe inaysan gacantii looga baahnaa ka geysan wax ka qabashada arrintan” ayuu yiri xildhibaanka.

Dadkii ku dhaqnaa Xaafadaha Beledweyne, ayaa intooda badan u Barakacay dhulka taagga ee Dhinaca Bari ee Magaalada, Waxaana jira Daruufo Adag oo Dhinaca Nolasha ah oo ay wajahayaan dadkaas, madaama aysan heysan hoy ku filan, biyo cabaan iyo musqulo intaba, taasoo ka dhigan nolal aan waxba ka duwaneyn tan iyo markii horeba ka soo carareen.

Ugu danbeyn, dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa maalmihii tagay la oran karaa Waxaa soo wajahay xaalad adag oo dhinaca nolasha ah, waxaana jirra qoysas gabi ahaanba guryihii ay ku noolaayeen ay la tageen daadadka.

Comments are closed