|

Goormaa La Qabanayaa Shirka Golaha Dhexe Ee Lagu Soo Dooranayo Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka ee Xisbiga Ucid ? DAAWO

Hargaysa 18. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa shaaciyey Wakhtiga la qabanayo Shir aan Caadi ahayn oo Golaha dhexe ee Xisbigaasi uu ku soo dooranayo Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka ee Xisbigaasi.

Shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Hargeysa Xoghayaha Golaha dhexe ee Xisbiga UCID Jiir Cali Madoobe iyo Masuuliyiin kale, ayaa waxay ku sheegeen in 23-ka bishan September, 2017-ka la qaban doono Shirka Golaha dhexe ee aan Caadiga ahayn, kaasi oo wax ka badan ka beddeli doona Siyaasadda Somaliland.

“Waxa la soo gaadhay Wakhtigii uu Xisbiga UCID uu Siyaasadda Somaliland Min Bari illaa Galbeed uu wax badan ka beddeli lahaa. Xisbiga UCID wuxuu iclaaminayaa, Golaha dhexe inta Dalka Gudihiisa ka joogtaana ogyahay in 23-ka bisha September, 2017-ka inuu dhici doono Shirka Golaha dhexe ee aan Caadiga ahayn, kaasi oo ka dhici doona Huteelka Adam’s ee Magaalada Hargeysa..” ayuu yidhi Xoghayaha Golaha dhexe ee Xisbiga UCID Jiir Cali Madoobe.

Guddoomiyaha Ololaha Doorashada ee Xisbiga UCID oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Guddoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu Goostay inaanu buuxin Boosas badan oo Xisbiga ah iyadoo ay Cidi ka maqan tahay Dadkii ay talada Somaliland ka go’say..”

Comments are closed