|

Guddi Ka Kooban Xisbiyada, Qaadhaan-bixiyeyaasha & Xukuumadda Oo Loo Xulayo Inay Komiishanka Ka Caawiyaan Diyaar-garowga Doorashada

Hargaysa 28. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inuu Toddobaadkan Gudihiisa Magacaabayo Guddi Mus-dambeed ah oo Komiishanka Doorashooyinka Qaranka kala shaqeysa diyaar-garowga Doorashada Madaxtooyada ee loo muddeeyay inay Dalka ka dhacdo bisha 11-aad ee Sannadkan.

Madaxweynaha oo Khudbad ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Burco oo uu Safar Shaqo ku joogo, ayaa sheegay in isagoo ka duulaya wakhtiga yar ee ka hadhay Xilliga loo muddeeyay Doorashada Madaxtooyada uu Magacaabayo Guddi la shaqeysta Komiishanka Qaranka, si buu yidhi ay u gufeeyaan wixii Gal-daloolooyin ah ee ka muuqda diyaar-garowga qabashada Doorashada Madaxtooyada, waxaanu yidhi “Aniga oo ka duulaya wakhtiga yar, iyo hawsha badan ee ina hor taal, waxaan magacaabayaa, ama isu keenaya toddobaadkan guddi mustambeed ah, oo ay ku dhan yihiin saddexda xisbi qaran, xubo kooban oo ka tirsan xukuumadayda, gaar ahaan wasaaradaha qaabilsan shaqo ahaan, Guddida Doorashooyinka Qaranka, iyo goob joogayaal ama wakiillo ka soo jeeda deeq bixiyeyaahsa ama dalalka inaga taageera nidaamka doorashooyinka. Waxaan farayaa guddida cusub ee mustambeedka ah ee toddobaadkan isu iman doona in ay gufeeyaan galdalooyinka jira, isla-markaana, ay ka kaalmeeyaan, guddida doorashooyinka qaranka diyaarinta qorshayaasha loo baahan yahay, (Road Map and Framework).”

Madaxweynuhu wuxuu farriin u diray Xubnaha uu Magacaabi doono “Waxaan farayaa guddida Doorashooyinka Qaranka, in ay xilka iyo waajibaadka culus ee saaran u gutaan si leh dedaal, daacadnimo, xilkasnimo, iyo karti leh. Waxaan kale oo aan ku adkaynayaa una ballan-qaadayaa in aan la barbar taaganahay talo iyo taageero wixii ay iga baahdaan.”

Comments are closed