|

Guddida Daba galka & Baadhistii Xasuuqii Siyaad Bare ka Gaystay Deegaanada Somaliland oo Soo Bandhigay Tirada uu Taliskaasi Gumaaday DAAWO

Hargaysa 04. July 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha guddida daba-galka iyo baadhista xasuuqii  Jamhuuriyadda Somaliland, Khadar Axmed Like, ayaa shaaca ka qaaday in rijiimkii  Siyaad Bare uu xasuuq u geystay 60-kun oo qof oo muwaadiniin reer Somaliland ah, kuwaasi oo dhammaantood ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in dhacdadii ugu layaabka iyo murugada badnayd ee ay la kulmeen muddadii ay ku guda jireen baadhista xasuuqii dalka ka dhacay uu ahaa toban arday oo iyaga oo nool inta dhiiga laga shubay, kadib markii ay naftu ka baxdayna meel lagu wada aasay.

Mr. Khadar  waxaa uu farta ku fiiqay intii ay wadeen hawshan baadhista xasuuqa in xabaal wadareedkii ugu murugada badnaa ee ay la kulmaan uu ahaa laba iyo toban arday oo inta dhiiga laga shubey meelna lagu wada aasay iyaga oo kabahooda iyo direyskooda xidhan waxaannu yidhi “Waxaa noogu naxdin badnaa intii aanu hawshan wadney toban arday oo meydkoodi iyaga oo aan wax nabar ahi ka muuqan ninkii cagafta wadey aasay, waxaanay ahaayeen arday laga ururiyay dugsiga Faarax Oomaar, iyaga oo kabihii iyo direyskii iskuulka xidhan ayaa xerada milateriga la geeyay, dabadeetana dhiiga ayaa laga shubey iyaga oo naftu ku jirto ilaa intay naftu ka baxaysay, tobankoodi qalfoof oo isbarbar yaal ayaa la yidhi aasa, ninkii aasayeyna waxaa uu yidhi waxaan ka argagaxo kuwaasi ayaan arkey, waxaanay tobankan arday ku aasan yihiin magaalada Hargeysa, gaar ahaan laagta Malka-dur-duro, waxaananu ku rajo weynahay inaanu soo saarno sannadka 2018-ka, magaalada Hargeysa ilaa laba boqol oo xabaal-wadareed ayaa ku yaala, oo uu geystay kaligii taliyihii wadankan xukumayay, magaalooyinka Somaliland-na meel aan xabaal wadareedyo laheyni ma jiro, dadka wixii qaxeyna diyaarado ayaa lala daba galey, odeyga aan xabadi ku dhicin ee ku dhintey, gabadha isku go’day iyada oo uurleh diyaaradihii sida ay u eryanayeen ee ku dhimatay iyo kuwa diyaaradaha rasaastoodu leysay kuwa ku barakacay ee sidii ku maqan intuba tiro malaha.”

Khadar waxa uu xukuumadda ugu baaqay in ay dabagal ku sameeyaan nimankii ummada Somaliland xasuuqa u geystay intooda nool si loola tiigsado maxkamadaha caalamiga ah waxaannu yidhi “Xukuumadda waxaan ugu baaqayaa kiisaskaa ciddii geysatayna ha la raadiyo oo ha la baadho qaarbaa noole, maxkamadaha aduunkana ha lala raadsado, ta Xamarna waxaan odhan-lahaa kuwii gacan ku dhiiglayaasha ahaa ee xasuuqan geystayna qaar baa baarlamaankiina ku jiree waxaanu idin leenahay noo soo qabta, xukuumada Soomaaliyana waxaan odhan lahaa dadka dhagahooda kama daadagayaan oo ma jeclaysanayaan Soomaali ayaa mar danbe midoobaysee waxaas dhagaha dadka ka daaya.”

 

“Midhka imika ugu daran ee Somaliland iyo Soomaaliya aanay mar danbe ku midoobayni ee aanay isku afgaranayni waxa weeyaan, marka aan leysuba garaabin ee la yidhaaho dadkani maxaa lagu laayay uun, dadka reer Somaliland waxa ay ahaayeen dadkii diyaaradii madaarkooda ka kacday ay hadana dib u duqeysay, dadka sida loo xasuuqay marka lala soo qaado ayay Soomaaliyana ku doodeysaa Soomaali wey is wada leysay, Soomaali wey is-wada leysay laakiin goorma ayay is-wada leysay? Dadkanina waa dadkii la yidhi wey gaalobeen ee muslimiya ee ciidankii wadanka joogeyna lagu yidhi sidaad doontaan u laaya una xasuuqa, markii dadka qof walba qorigu gacantiisa galayna qabiil waliba waa uu is laayay, markaad tidhaaho Soomaaliya goorma ayay burburtay? Anagu waxaanu qabnaa Soomaaliya inay burburtay 1982, hadii xasuuqi Somaliland ka dhacay Soomaali baadheysana muran ayay gali laheydba ee dad ajaaniba ayaa baadhaya” ayuu yidhi gudoomiye Khadar.

Comments are closed