|

Guddida fulinta Ee Xisbiga UCID oo Ka hadlay Eedaymo uu Jamaal Cali Xuseen u Jeediyay Muuse Biixi iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid

Hargeysa, 28 March, 2016-(SDN/QJ): – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Raali-gelin ka bixiyey eedaymo Musharraxa Xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen u jeediyay Ganacsadaha Maxamed Aw Siciid Geeddi iyo Musharraxa Madaxweynaha KULMIYE Muuse Biixi Cabd.

khilaaf-UCID-Jamaal-vs-Faysal-300x192War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga UCID, ayaa lagu sheegay in Guddida fulinta ee Xisbiga UCID raali-gelin ka bixinayaan Eedaymaha Musharraxa UCID u jeediyay Ganacsade Maxamed Aw Siciid, kuwaasi oo nuxurkoodu in Ganacsade Maxamed Aw Siciid ka shaqeynayo sidii uu UCID u burburin lahaa.

 

War-saxaafadeedka UCID oo dhamaystiran, ayaa u qornaa sidan, “Xisbiga cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID  waxaa uu halkan ka caddeynayaa in hadalkii Jamaal Cali Xussen kaga hadlaayey ganacsadaha reer Jabuuti iyo masuulyiinta kale ee uu eedda u soo jeediyey waxaa ay ku kooban tahay aragtida Jamaal ee xisbigu lama qabo anaga oo ixtiraameyna fikirka iyo xoriyadda shaqasi ahaaneed .

 

waxaanu raali  buuxda siineynaa dhamaan taageerayaasha Xisbiga UCID  kana raali galineynaa hadalkii ahaa in xisbiga cid kale ay burburineyso xisbiga UCID waxaa weeye xisbiga ugu da’da weyn xisbiyada qarankan isla-markaana ugu khibradda badan sidaas darteed  cidna ma burburin karto waana meel ka dhac in lagu tilmaamo mid shaqasiyaad ku takri falaan .

 

waxaa kale ee xisbiga  cadaaladda iyo daryeelka ee UCID raali galin buuxda ka bixinayaa cid kasta oo dhibsatey hadalkii Jamaal  maadaama oo aanu ixtiraam u heyno  ganacsatada reer Somaliland  iyo dhammaan Madaxda xisbiyada Qaranka iyo  masuulyiintooda.”

Comments are closed