|

Hargeysa: Wariye Cabdifataax Carshe Oo Maalintii afaraad Maxkamad La’aan U Xidhan Wasiir Warancadde

Hargeysa, 28 March, 2016-(SDN/QJ): – Wariye Cabdifataax Ismaaciil Carshe oo ka mid ah wariyayaasha ka hawlgala magaaladda Hargeysa, ayaa maalintii afaraad maxkamad la’aan u xidhan Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadda.

Wariye Carshe oo ka hadlay qaabkii loo xidhay ayaa sheegay in sabab la’aan ay ciidamadda Warancadde xabsiga u dhigeen “Ma garanayo sababta ciidamadda warancadde ii xidheen, balse waxay sheegeen in wasiirku amar ku bixiyay in la xidho.”ayuu yidhi Wariye Carshe

Ma jirto dhinaca wasiir warancade wuxuu ku sababeeyay xidhiga Wariye Carshe ay kula kaceen ciidamadiisu iyo inuu isagu amar xidhiga wariyaha bixiyay.

Comments are closed