|

Guddoomiye Cirro oo Kulan La Qaatay Safiirada Dawladda Ingiriiska u Qaabilsan Somaliland iyo Itoobiya +SAWIRO

Hargaysa 25.May 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isla maanta uun gelinkii hore dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaran oo uu ugu maqnaa dalalka Mareykanka iyo Kanada, ayaa xarunta aqalka golaha Wakiilada Somaliland kulan kula yeeshay safiirada dalwadda Ingiriiska u qaabilsan dawladaha Somaliland iyo Somaliya iyo weliba sida oo kale safiir ku xigeenka isla dawladdaas Ingiriiska u qaabilsan dalka Itoobiya oo socdaal ay ku joogay magaalada Hargeysa.

Kulan oo albaabadu u xidhnaayeen, ayaa waxa guddoomiye Cirro ku wehelinaayey guddoomiye ku xigeenka 2aad ee aqalka golaha Wakiilada Somaliland Dr.Cali Yuusuf, waxaana markii uu soo idlaaday warbaahinta uga warbixiyey u jeedka kulankaasi guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo sheegay in kulankan ay safiirada kaga wada hadleen xidhiidhka dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland, horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay iyo weliba sida oo kale arrimo la xidhiidha doorashooyinka iyo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland.

“Weftigu saaka ayey yimaadeen, waxa ay la kulmayeen xukuumadda, anaguna waanu kulanay haddeer(maanta), waxaana aanu ka wada hadalnay guud ahaan uun arrimaha Somaliland ka socda ee horumarka, diiwaan-gelinta, doorashooyinka iyo xidhiidhka Somaliland iyo dawladda Ingiriiska.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).

6aff133e-846a-4014-96b0-315d4e5303e4 6aff133e-846a-4014-96b0-315d4e5303e4_1 95ec3966-0fda-489b-bc9e-4c48463240b4 01194a9b-c95f-4b29-a176-cbab8f3eb57f 7700aac7-04af-4066-839b-6f68ec7be1da b7e257d1-5bc5-4244-a6b4-0089ecf3be0c c557abf1-1f02-49ed-86af-0dfb5724586b

Comments are closed