|

Guddoomiyihii Sarriflayaasha Hargeysa Oo Maalintii Tobnaad Ku Xidhan Saldhiga Booliiska New Hargeysa Iyo Sarifka Boqolka Dollar Oo Halkii U Saraysa Maraya

Hargaysa 21. February 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Sariflayaasha Hargeysa Maxamed Abiib Siciid (Waraad) ayaa maalintii Tobnaad ku xidhan Saldhiga New Hargeysa ee Bariga Magaaladda Hargeysa,Kadib sida la sheegay markii ay wanjaleen Qaar ka mid ah Sariflayaasha Magaaladda Hargeysa oo sida la sheegay aad u dhibsaday dhaq dhaqaaq uu maalmihii u dambeeyay ka wada Magaaladda Hargeysa oo uu ku raadcaynayay Sariflayaal bahaloobay oo suuqyo badan oo Doolarka lagu kala iibsado samaystay,islamarkaana baal maray awaamiirtii Dawladu ku soo rogtay in Halka dollar lagu kala iibsado Todoba kun oo Shilinka Somaliland ah.

Gudoomiyaha Sariflayaasha Hargeysa Maxamed Abiib Siciid (Waaraad) oo aanu Khadka Telefanka kula xidhiidhnay Isagoo ku jira Saldhiga New Hargeysa ayaa noo sheegay inuu bad qabo oo ay si fiican ula dhaqmeen Ciidanka Bilayska Saldhigaasi ku hayaa,islamarkaana Laamaha amaanku soo xidheen oo ay baadhayaan Wax uu ugu yeedhay Wanjalaad ay u Soo maleegeen Qaar ka mid ah Sariflayaasha Magaalada Hargeysa oo dhibsaday dadaalo uu maalmihii u dambeeyay ka waday Hargeysa oo uu kula dagaalamayay Suuqyo Madaw oo Dollarka lagu kala iibsado oo magaalada HARGEYSA ka dilaacay,waxa uu sheegay in mar la horgeeyay Maxkamada balse dib loogu celiyay Saldhiga islamarkaana uu filayo in Waaxda garsoorku fahamto ujeedada Xadhigiisa ka dambaysay iyo Wanjalaada loo soo maleegay oo ay dabada ka riixayaan wax uu ugu yeedhay Koox Ku bahalawday Sarifka kuwaasi oo diidan fulinta awaamiirtii uu Madaxweynaha Somaliland ku soo rogay Suuqa Sarifka. Waxa uu intaasi ku daray in Kooxdaasi oo is kaashanaysaa ay weerar Wanjalaad ah ku soo qaadeen oo ay Markhaati isku yihiin,Waxaanu ugu baaqay garsoorku inay aad u fahmaan arintiisa.

Intii uu Gudoomiye Waaraad xidhnaa,waxa Sharciyoobay Suuqyadii Madoobaa ee Dollarka lagu kala sarifanayay ee Magaaladda Hargeysa waxaana si caadi ah Suuqyada Sarifka Magaaladda Hargeysa uu Boqolka Dollar ka marayaa 850,000-Kun(Sideeda Boqol iyo Konton kun)Oo Somaliland Shiling ah,iyadoo meelaha qaar uu sare uga sii socdo.Gudoomiyaha Sariflayaasha Hargeysa Maxamed Abiib Waraad ayaa ka hor intaan la xidhin waxa uu ugu baaqay Sariflayaasha Somaliland iyo Ganacsatadaba inay ka digtoonaadaan inay baal maraan Awaamiirtii Xukuumaddu ku soo rogtay Qiimaha Sarifka qalaad ee Dollarka,Waxaanu iclaamiyay oo uu Xukuumadda u gudbiyay inay wax ka qabato Koox Suuqyo Madaw ka samaystay Magaaladda Hargeysa oo si qarsoodi ah Dollarka qiime sare ugu iibsada,Waxaanu si gaar ah Farta ugu fiiqay inay Kooxdaasi xidhiidh la leeyihiin Ganacsatada Jaadka ka Baayac Mushtara kuwaasi oo culays badan u soo kordhiyay suuqyada sarifka.

Comments are closed