|

Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada oo ugu Baaqay Labada Garab ee Xisbiga Ucid inaan laga Yeeli Doonin Laba Shir oo ay Qabsadaan

Hargaysa 03. Novembar 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha guddiga diiwaangelinta ururada Cabdirisaaq Ciyaale, ayaa qoraal uu u gudbiyay labada garab ee xisbiga UCID ee ay kala hoggaaminayaan Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen, wuxuu uga digay inay shirkaas qabtaan. Qoraalka guddiga ayaa u dhignaa sidan “Guddiga diiwaangelintu waxay faraysaa labada garab ee xisbiga UCID inay joojiyaan labada shire e ay ku kala dhawaaqeen oo aan midna waafaqsanayn sharciyada. Waxa la qaban karaa oo keliya shirkii ku xusnaa qaraarkii maxkamadda sare inta aanay dhammaan mudadii lixdanka cisho ahayd ee ay cayintay.

Sidaas darteed waa inaad u hoggaansanaataan amarkan ka soo baxay guddiga diiwaangelinta.”

Jawaabta Faysal

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa guddiga diiwaangelinta ku gacan saydhay amarkaas. Wuxuu Faysal yidhi “Arintu hada uma taalo gudida diwangalinta waxey u taala in aanu fulino go,aankaas maxkamada ,waanu dhacaya xisbiga shir weynaha aan caadiga aheyn ee xisbigu bisan 7 deeda cid joojin kartaana ma jirto , gudidaas awooda  uma laha in ay ku joojiso qaraarka maxkamada , sharci buu dalku ku socdaa hadii sharci lagu  kala socon waayana  gacmaha ayaa layskula tagi doona.”

Faysal wuxuu weerar ku qaaday guddoomiyaha guddigaas Mr. Cabdirisaaq Ciyaale, waxaanu yidhi “Ina Ciyaale Kulankii Aanu Dubai Ku Yeelanay Waxa Uu Igu Yidhi Xisbigaagu Gacanta ayuu Iigu Jiraa’ Anigu Qabyaalad iyo Sheeko Marfish Waxba igaga Qaadi Maayo Go’aankii Maxkamadda Sare ayaa Sharci ah oo Shirka lagu qabanayaa’ guddidiisana Hawl u taala maaha oo Xisbiga UCID Faraha lama soo geli Karo.”

Cali-Gurey

Guddoomiye-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Gurey) oo ka tirsan garabka Jamaal Cali Xuseen ayaa isagu soo dhaweeyay amarka guddiga diiwaangelinta, isagoo sheegay inay garabkoodu fulin doonaan amarkaas.

 

Comments are closed