Hargaysa 07. October 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahna musharaxa xisbigaas Muj: Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay guddida diyaarinta muraaqibiinta xisbigaas uga qayb galaya doorashada dhawaan dalka ka qabsoomaysa.
Qoraalka Gudoomiye Muuse Biixi ayaa u Dhignaa Sidan;
Xisbiga KULMIYE isaga oo aqoonsan muhiimadda ay Muraaqibiinta Xisbigu u leeyihiin hufnaanta Doorashada Madaxtooyada ee soo socota, waxa uu magacaabay Guddida Diyaarinta iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE. Xubnaha Guddida Diyaarinta iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE waxa ay kala yihiin:
- Cabdicasiis Maxamed Samaale – Guddoomiye
- Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan – Guddoomiye Ku Xigeen
- Cabdikariim Axmed Maxamed
- Ibraahim Daahir Dubad
- Axmed Muumin Seed
Guddidani waxa ay masuul ka yihiin diyaarinta, tababarka iyo maamulka muraaqibiinta iyo goob-joogayaasha Xisbiga KULMIYE. Waxa kale oo ay masuul ka yihiin adeegsiga farsamada cariga ah ee IT-ga iyo xog ururinta (Data Collection).
