Hargaysa 06. October 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay inaanu Xisbiga WADDANI aqoonsanayn Heshiiska Shirkadda Carbeed ee DP World kula wareegtay Maamulka Dekedda Berbera ee Somaliland.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo hadal ka jeediyey Munaasibad uu Xisbiga WADDANI ku soo dhaweeyay Taageerayaal ku soo biiray, ayaa sheegay in Xukuumaddu u Qalab-qaadatay inay Xaraashto Hantida Ummadda ka dhaxaysa Muddada Doorashada ka hadhay, sidaasi darteed loo baahan yahay in Dadweynuhu feejignaadaan inay ka ilaaliyaan.
Cabdiqaadir Jirde wuxuu sheegay oo tusaale u soo qaatay Nin Guri Dawladeed ku jira oo Saluugay Lacag lagaga iibsanayey Guriga, laakiin uu Masuul Dawladda ka tirsani ku qanciyey inuu Lacagta qaato, u sheegaya in Xukuumaddu ka gaadhsiinayno Muddada kooban ee Xilka uga hadhay.
Guddoomiyaha ku Meel-gaadhka ah ee WADDANI oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Nin Guri Dawladeed ku jira ayaa Lacag loo keenay, Lacagtii buu Qawaday, Masuul Dawladda ka mid ah ayaa loo soo diray, wuxuu ku yidhi Waar Nacasyahoow Labadaa bilood ee Doorashada ka hadhay ayaa laga gaadhsiinayaa ee Lacagtu yaanay kaa baaqan ee Lacagta qaado. Waxa inoo caddaatay in bishaa Doorashada ka hadhay in Boqol Riis la iibin doono (Hantida Ummadda) haddaynaan Feejignaan oo sidaa Dadku Riis uga Gadooday aan looga gadoodin wax ka weyn baa iman doona, Waayo? waxa yaalla Qorshe ah inaan waxba loogu imanin, way ogyihiin in aanay soo noqonayn, markaa waxa Talo lagu gaadhay wax alaale iyo wixii la iibin karo, wax alaale iyo wixii la is-daba marin karo oo aan Meesha waxba loogu imanin.”
Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde waxa kale oo uu khudbaddiisa ku sheegay in aanay WADDANI ahaan aqoonsanayn Heshiiska Xukuumadda Somaliland ku wareejisay Maamulka Dekedda Berbera, isagoo ku dooday inaan loo marin Sifo Sharci ah, “Heshiiska Dekedda Berbera lagu wareejiyey Xisbiga WADDANI ma Aqoonsana, waxaanu u aqoonsanayn sifihii Sharciga ahaa lama marin, Xaqul-qalin baa la kala qaatay, Laaluush baa la kala qaatay, oo Qoysas aad garanaysaan baa ku heshiiyey, Faysal-na Markhaatiga ayuu u furay..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Wixii aan Sharci ku bixin waa laga daba tagayaa oo waalla soo celinayaa.”

