|

Gudoomiye C.raxmaan Cirro oo Gobolka Awdal u Tegay Sidii uu Shacabka Gobolkaasi ugaga Mahadcelin lahaa Codkii ay siiyeen Doorashadii Madaxtooyadda & Sawirka ku Lamaan Socdaalkiisa DAAWO

Dilla 21. January 2018 (SDN/QJ):-Guddomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa safar ujeedadiisu tahay Mahad celin ku tagay Gobolka Awdal waxaanu sii maray Degmadda Dilla halkaas oo uu dadwaynaha kula qaatay wakhti fiican oo uu kula sheekaystay sheegayna in uu abaal ugu  hayo Codkoodii ay siiyeen.

Dhinaca kale waxaa uu cirro inta badan tagi doonaa meelo badan oo ka  mid ah gobolkaasi  si uu  bulshada ugu mahad-celiyo Codkoodii ay siiyeen wakhtigii tartanka kursiga madaxtooyada.

 

Geesta kale Cirro ayaa safarkan ugu dan-leh in uu ku hanto kalsoonida shacabka oo uu tuso in uu yahay in wax la gashan karro.

Comments are closed