|

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiiladda oo Kormeer Ku Tegay Degmadda Tuko-raq ee Gobolka Sool Fariin adagna u Diray Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Punt land DAAWO

Tuko raq 21. January 2018 (SDN/QJ):-Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa gaadhay Degmadda Tuko raq ee Gobolka Sool isagoo kulan la qaatay Bulshadda degmadaasi oo uu ka dalbaday inay si Wanaagsan uga shaqeeyaan Ciidanka Qaranka Somaliland ee dhawaan Jiida deegaankaasi tegay.

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ah Mudane laga soo doortay gobolka Sool ayaa sheegay in Ciidanka qaranka ee Ku sugan Tuko-raq ay joogaan dhulkoodii isla markaana aanay jirin Sabab ay Punt land uga Cabato Waxa uu Madaxweynaha Punt land ka dalbaday inaanu Sababin dagaal ka dhaca gobolka oo haatan xasiloon.

Comments are closed