|

Gudoomiye Cirro iyo Weftigiisii oo ka Soo Laabtay Itoobiya,Maxay Raysal Wasaaraha Itoobiya ka wada hadleen Muxuse Ka Yidhi Ku Soo Biirista Xisbiga Waddani ee Xildhibaan Nacnac & Eedaynta Gudoomiye Faysal Cali Waraabe? DAAWO

Hargaysa 12. October 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudan C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro iyo Wefti uu Hogaaminayay oo Socdaal ugu Maqnaa Dalka Itoobiya ayaa Galabta ku soo laabtay Caasimadda dalka ee Hargaysa.

Weftiga Gudoomiye Cirro oo ay Xubno ka ahaayeen Hogaamiyaha Xisbigaas Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayaha arrimaha dibadda ee Xisbiga Waddani Prof Maxamed Cismaan Fadal ayaa warbaahinta kula hadlay afaafka Hore ee Madaarka Cigaal ee Caasimadda Hargaysa.

Comments are closed